Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, oo guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ay maanta su’aalo ka weydiiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay, ayaa qiray in ciidamada Mareykanka aysan weerarkaas ugu diyaar garoobin sidii loo baahnaa.
Ku dhowaad 17 milyan oo qof ayaa dhammaadkii sanaddii 2018 ku noolaa xaalad barakac gudaha dalalkooda ah, qaaradda Afrika, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin cusub oo lasoo saaray.
Is-beddelka cimilada waxa uu caqabad ku yahay nabadeynta Soomaaliya, sababtoo ah abaaraha iyo daadadka waxa ay xoojiyaan mintidiinta, islamarkaana wiiqaan dowladda, waxaa sidaas sheegtay warbixin cusub oo lasoo saaray Arbacadii.
Wafdi Taliban ah ayaa khamiistii la kulmay wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afghanistan Zalmay Khalilzad, sida ay laba ilo-wareed u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Koox ka kooban 66 qof oo qaxooti African ah oo laga soo qaaday dalka Libya ayaa soo gaaray magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, sida ay sheegtay QM.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in laga fiirsado in Iran lagu eedeeyo weerarkii 14-kii bishan lagu qaaday goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla dalka Sacuudiga.
Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa nolol siyaasadeed oo cusub siiyey ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, isaga oo weydiistay inuu soo dhiso dowlad cusub oo wadaag ah, kadib markii laba goor uu lix bilood gudahood ku guul-darreystay inuu guul cad ka gaaro doorashada.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa maanta baahiyey qoraalka wada sheekeysi taleefon oo dhex-maray madaxweynah Donald Trump iyo dhiggiisa dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, 25-kii July, kaasi oo xaqiijiyey in Trump uu Zelensky weydiistay inuu baaro mucaaradkiisa siyaasadeed, Joe Biden.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa uu wada-hadallo “la isku fahmay” kula yeeshay magaalada New York oo ay u joogaan ka qeyb-galka shirka Golaha Guud ee QM, sida ay sheegtay Villa Somalia.
Sideed dhallaan ayaa ku geeriyooday dab aroornimadii talaadada burburiyey isbital dhalmo oo ku yaalla bariga dalka Algeria, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka deg degga ah.
Toddoba caruur ah ayaa geeriyooday, ugu yaraan 57 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii maanta uu soo dumay iskuul ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.
Ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa Iran ku eedeeyey inay ka dambeysay weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee Sacuudiga, xilli uu kusii jeeday magaalada New York, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Iran.
Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa maanta uga digay Sacuudi Carabiya inay ku khamaarto dagaal ay la gasho Iran, sababtoo waxa uu “burburin doonaa boqortooyada”
Iran ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digtay in la geliyo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, waxayna sheegtay in weerar kasta oo lagu soo qaado ay ka bixin doonto jawaab ciqaab adag leh.
Iska horimaad ayaa dhulka baadiyaha ee u dhow magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool ku dhexmaray dad xoolalay ah iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa Sacuudi Carabiya iyo dalalka Khaliijka kala tashanaya jawaabtii laga bixin lahaa weerarkii lagu qaaday xarumaha saliida Sacuudiga, kaasi oo ay ku eedeeyeen Iran.
Duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanka uu la damacsanaa dagaal-yahanada Daacish ee Afghanistan, ayaa dishay ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, oo ku nasanayey barxad kadib markii ay shaqo ka baxeen, waxaa sidaas maanta sheegay saraakiil.
Aqalka Sare ee Britain ayaa maanta ansixiyey sharci ku qasbaya Boris Johnson inuu dib u dhigo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, taasi oo dhabar-jab cusub ku ah ra’iisul wasaaraha.
Kuwo kale