Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goorta uu dhaqan galayo heshiiska Mareykanka iyo Taliban


Heshiiska u dhaxeeya Taliban iyo ciidamada Mareykanka ee lagu yareynayo rabshadaha dalka Afghanistan, ayaa dhaqan-geli doona shanta maalmood ee soo soca gudahood, waxaa sidaas maanta sheegay sii-hayaha wasiirka arrimaha gudaha Afghanistan.

“Yareynta rabshadaha waxay billaaban doontaa shanta maalmood ee soo socda gudahood, waxaana saldhig u ah wada-xaajoodkii dhex maray Mareykanka iyo Taliban,” ayuu Masoud Andarabi u sheegay taliyeyaal boolis goboleedyo kulan isugu yimid magaalada Kabul.

Toddobaadkii tegay, sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in wada-xaajoodyo dalka Qatar lagula yeeshay wakiilo ka socda Taliban ay dhaliyeen in mabda’ ahaan la isku raaco in rabshadaha la yareeyo muddo toddobaad ah.

Saraakiisha Mareykanka iyo Taliban ayaa dalka Qatar ku wada-hadlayey tan iyo sanadii tagtay, ayaga oo doonaya in la gaaro heshiis ciidamada Mareykanka ay uga bixi karaan dalkaas, laguna soo geba-gebeynayo dagaalkoodii ugu waqtiga dheeraa.

Taliban ayaa taas dhaafsaneysa inay damaanad qaado in mintidiinta caalamiga ah aysan wax shirqool ah kasoo maleegi doonin Afghanistan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si weyn u doonaya in ciidamada Mareykanka uu kasoo saaro Afghanistan, oo ay ku sugnaayeen 18 sano, ayaga oo galay kadib weerarkii Al-Qacida ay ku qaaday Mareykanka, 11-kii September 2001.

REUTERS

XS
SM
MD
LG