Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nagu Saabsan

Nagu Saabsan

VOA waa hay’adda warbaahineed ee caalamiga ah uguna weyn Maraykanka, waxayna wararka ku baahisaa in ka badan 45 luqadood, iyadoo gaarsiisa dhagaystayaal wararka ay heli karaan kooban yihiin ama aanay jirinba. VOA waxaa la aasaasay sannadkii 1942, waxana ka go’an war-tebin madaxbannaan, dheellitiran iyo in dhagaystayaasha runta loo tebiyo. VOA waxa si buuxda looga maalgeliyaa canshuurta dadweynaha, waxayna xubin ka tahay Wakaaladda Warbaahinta Maraykanka.
Shaqada VOA iyo madaxbannaanida tifaftirkeeda waxa dammaanad-qaada shuruuc gaashaan u ah suxufiyiinta VOA oo ka ilaaliya in saraakiisha dawladda iyo siyaasiyiintuba adeegsadaan, cadaadiyaan, ama ka aargutaan.
Sannadkii 1976, Madaxweyne Gerald R. Ford ayaa saxiixay Cahdiga VOA, oo dhigaya:
1. VOA waxay noqonaysaa il wararkeedu xaqiiqo yihiin laguna kalsoon yahay. VOA wararkeedu waxay noqonayaan kuwo sax ah, dheellitiran isla markaana dhammaystiran.
2. VOA waxay matashaa Maraykanka, ma matasho qayb gaar ah oo bulshada Maraykanka ah, sidaas darteedna waxay bulshada Maraykanka ka gudbinaysaa sawir dheellitiran isla markaana dhammaystiran oo ku saabsan aragtida iyo hay’adaha Maraykanka.
3. VOA waxay si cad oo waxtar leh u gudbinaysaa siyaasadda Maraykanka, waxayna soo bandhigi doontaa falanqayn iyo aragti dhiibasho ku saabsan siyaasadahaas.
Sannadkii 1994, Koongareeska Maraykanku Waxa uu ansixiyey Xeerka Warbaahinta Maraykanka. Sharcigan waxa uu sidoo kale farayaa weriyayaasha VOA in hawshoodu ahaato mid sugan, sax ah, eex la’aan ah, dheellitiran, dhammaystiran, isla markaana ka turjumaysa kala-duwanaanshaha dhaqan iyo bulsho ee Maraykanka.
Sannadkii 2016, Koongareeska waxa uu mar kale ku xaqiijiyey Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka in soo ururinta iyo tebinta wararka ay mar walba ahaato mid madaxbannaan oo dheellitiran.
Maalin kasta, weriyayaasha VOA waxay muujiyaan dadaal si ay tusaale ugu noqdaan mabaadii’da warbaahinta xorta ah ee dunida.
VOA
Warbaahin Xora Waa Muhiim
XS
SM
MD
LG