Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rivlin oo nolol siyaasadeed cusub siiyey Netanyahu


Madaxweyne Reuven Rivlin iyo ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu.
Madaxweyne Reuven Rivlin iyo ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa nolol siyaasadeed oo cusub siiyey ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, isaga oo weydiistay inuu soo dhiso dowlad cusub oo wadaag ah, kadib markii laba goor uu lix bilood gudahood ku guul-darreystay inuu guul cad ka gaaro doorashada.

Doorashadii dhacday 17-kii September ayaa wiiqdaa awoodda xisbigiisa garabka-midig ee Likud oo kaalinta labaad ku galay 32 kursi, halka xisbiga uu hoggaamiyo Jeneraalka hore ee Benny Gantz uu helay 33 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka.

Labada hoggaamiye ayaa awoodi waayey inay isku keynaan isbahaysi heli kara aqlabiyad ay dowlad kusoo dhisaan.

Madaxweyne Reuven Rivlin ayaa arbacadii waxa uu Netanyahu u dhiibay shaqo u muuqata mid aan suurta-gal ahayn inuu ku guuleysto, isaga oo siiyey fursadda koowaad ee dhismaha dowladda cusub, halka Gantz uu dhinaca ku sugayo.

Ilaa hadda uma muuqato in Netanyahu uu heli doono waddo uu xukunka ku qabto markii shanaad – Sidoo kalena ma muuqato waddo cad oo Gantz oo siyaasadda cusub uu isna dowlad kusoo dhisi karo.

Sharciga Israel ayaa qaba in madaxweynaha uu kadib wada-tashiyo uu la yeesho xisbiyada uu fursadda koowaad ee dhismaha dowladda siiyo xisbiga ugu kuraasta bata baarlamanka.

Isaga oo fursadda koowaad siinaya Netanyahu, ayaa Rivlin waxa uu xusay in 55 xildhibaan oo ah xisbiyada midiga ito kuwa diimeed ay taageero u ballan-qaadeen Netanyahu, halka 54 ay ku jiraan 10 carab ah ay sidaas u sameeyeen Gantz.

Netanyahu ayaa waxa uu haystaa 28 maalmood oo uu kusoo dhiso dowlad wadaag ah. Waxa uu sidoo kale weydiisan karaa Rivlin 14 maalmood oo dheeri ah, haddii laga maarmi waayo.

Markaas kadib waxaa fursadda soo dhisissa dowladda cusub ay u wareegi doontaa Gantz. Si kastaba, ma muuqato in Gantz isna uu haysto kuraas ku filan oo uu dowlad kusoo dhisi karo.

Ninka kaliya ee is-mari waagan dhinaca u ridi kara waa Avigdor Lieberman, oo xisbigiisa midigta fog ee Yisrael Beitenu uu helay sideed kursi.

Si kastaba, Lieberman ayaa diidan kooxo diimeedyada taageera Likud, sidoo kalena aan raacsaneyn xulufada garabka midig ee xisbiga Blue and White ee Gantz, sidaas darteedna uma muuqato inuu midkoodna kula biiri doono dowlad wadaag ah.

Haddii sidan xaalku sii ahaado, Israel ayaan huri doonin wax aan horey u dhicin oo ah in la qabto doorasho saddexaad.

REUTERS

XS
SM
MD
LG