Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afrika: '17 milyan oo qof ayaa ku barakacsan gudaha dalalkooda'


Ku dhowaad 17 milyan oo qof ayaa dhammaadkii sanaddii 2018 ku noolaa xaalad barakac gudaha dalalkooda ah, qaaradda Afrika, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin cusub oo lasoo saaray.

Tani waa tiradii ugu badneyd ee barakac gudaha ah ee abid laga diiwaan geliyo qaaradda Afrika, waana 40% guud ahaan barakacyada gudaha ee caalamka, sida ay tiri warbixinta.

Ayada oo Afrika ay xuseyso sanad guuradii tobanaad ee Axdigii Kampala, oo ah sharcigii ugu horreeyey caalamka ee wax looga qabanayo dadka ku barakaca gudaha dalalkooda, ayaa warbixinta ay soo saartay xarunta la socoshada barakacyada gudaha ee loo soo gaabiyo IDMC, waxay sidoo kale sheegtay in heerka dadka ku barakacaya gudaha dalalkooda ee Afrika ay u muuqato inay sii socon doonta, ayada oo aanay is-beddelin.

Qaaradda Afrika ayaa tobankii sano ee tagay waxay la kulantay barakacyo gudaha oo ka dhashay dagaallo iyo rabshado, kuwaas oo ka badan gobol kasta oo dunida ka mid ah, ayada oo cel-celiska dadka gudaha dalalkooda ku barakacaya ee sanadkii tagay ay sare u kacday.

Xarunta IDMC ayaa sheegtay in sanadkii tegay ee 2018 oo kaliya ay diiwaan gelisay in ka badan toddoba milyan iyo bar qof oo cusub oo ku barakacay gudaha dalalkooda.

Musiibooyin ay ka mid yihiin daadad, duufaanno, iyo abaaro ayaa horseeday in sanaadii 2018 ay ku barakacaan dad gaaraya laba milyan iyo lix boqol oo kun oo qof, iyo in ka badan 21 milyan oo qof tobankii sano ee tagay.

Dhacdooyinka illaa iyo hadda la arkay ee sanadkan 2019, ayaa sidoo kale soo jeedinaya in tirada dadka ku barakacaya gudaha dalalkooda ee Afrika aysan hoos u dhici doonin.

“Midowga Afrika waxa uu sanadka 2019 ku qeexay sanadka qaxootiga, dadka soo laabanaya iyo kuwa gudaha dalalkooda ku barakaca, si loogu xuso toban guuradii Axdigii Kampala. Inkasta oo ay jiraan horumar wanaagsan oo sanadkan laga sameeyey dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Somalia iyo Niger, oo qaatay siyaasado iyo sharciyo la xiriira barakacayaasha gudaha, haddana sare u kaca guud ee barakaca qaaradda Afrika ee tobankii sano ee tagay, ayaa muujinaya inaan la qaadan tallaabooyin ku filan oo lagu aas-aasayo nabad, lagu hormarinayo amniga, laguna yareynayo halista musiibooyinka.” Waxaa sidaas tiri agaasimaha xarunta IDMC, Alexandra Bilak.

Africa ayaa waxaa ka dhaca musiibooyinka bani’aadannimo ee ugu xun caalamka, kuwaasi oo in badan oo ka mid ah aan la werin ama aan qarash lagu bixin in laga hortago, ayey tiri warbixinta.

Waxay tusaale usoo qaadatay dagaallada gobollada English-ka looga hadlo ee dalka Cameroon oo sanadii 2018 horseeday barakac 20 goor ka badan kuwa ka dhashay falalka kooxda Boko Haram.

Warbixinta ayaa sheegtay in is-beddelka cimilada uu horseedayo halisyo darran oo aan la saadaalin karin, taasi oo qaaradda Afrika kusii keeneysa barakcyo gudaha oo badan.

Duufaanadii Idai iyo Kenneth ee bilihii March iyo April ku dhuftay koonfrta qaaradda Afrika ayaa sababay waxyeelo baahsan islamakraana barakaciyey in ka badan 600,000 oo qof.

Mid ka mid ah sababaha ay duufaannada xoogga badan u sababaan waxyeelo burbur badan geesta ayaa ah ayaga oo ku dhaca goobo aad uu baylahan oo markii horeba ay saameeyeen abaaro xooggan.

“Axdiga Kampala wuxuu aas-aas wanaagsan siinayaa in la qaado ficillo, islaamrkaana sanadguuradan tobanaad ayaa na siineysa fursad aan ku sameyno is-beddelo.” Ayuu tiri agaasimaha xarunta IDMC Alexandra Bilak.

Bilak ayaa sheegtay in dadka ku barakaca gudaha dalalkooda ay caqabad weyn ku yihiin nabad, baraare iyo horumar joogto ah, waxayn ku baaqday in rabitaanka siyaasadeed ee lagu horumarinayo laguna fulinayo siyaasaddo wax looga qabanayo arrimahan, loo beddelo ficillo.

Warbixintan oo cod ah, oo uu aqrinayo Axmed Cali Sheekh, hoos ka dhageyso.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG