Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal dhex-maray Al-Shabaab iyo xoolalay


Shabaab
Shabaab

Iska horimaad ayaa dhulka baadiyaha ee u dhow magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool ku dhexmaray dad xoolalay ah iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib makrii Al-Shabaab ay kaxaysteen xoolo ay lahaayeen dadka deegaanka, sida ay ku doodeen dadka degaanka.

Ugaas Dirir Cabdullaahi oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Bakool ayaa VOA u sheegay in Al-Shabaab ay kusoo duuleen gobolka, islamarkaana wateen boqolaal neef oo geel iyo ari ah.

Tallabada ay Shabaabka qaadeen ayaa ka dambeysay kadib markii dadka deegaanka ay diideen inay bixiyaan Zako ay Shabaabka dalbadeen, sida ay odayaasha sheegeen.

Ugaas Dirir ayaa sheegay in Shabaabka ay sidoo kale dalbadeen in hubka laga dhigo ciidamo deegaanka ah oo is-abaabulay, si ay usoo celiyaan xoolaha ay qaateen, sida uu hadalka u dhigay.

Warbixintan waxaa noo soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Dagaal dhex-maray Al-Shabaab iyo xoolalay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:04 0:00


XS
SM
MD
LG