Hay’adda UNICEF ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay sida ay uga naxday wararka sheegaya “in ugu yaraan 22 caruur ah ay ka mid yihiin 27 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.” Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in dadkaasi ay dhinteen ka dib markii haraaga walxo qarxa
Booliska Soomaaliya ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyay weerarkii xalay dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen maqaaxi ku taalla Degmada Cabdicasiis, gaar ahaan xeebta Liido.
Ardaydii ka baracay dagaalka magaalada Laascaanood ayaa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ku galay degmada Kalabaydh ee gobolka Sool, waxaana qaadista imtixaankaasi fududeysay wasaaradda waxbarashada ee maamulka Puntland. Warbixintan waxaa Laascaanood ka soo diray Cabdikarim Olol
WASHINGTON D.C. — Ku soo dhowaada Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, waxaana soo diyaariyey, soona jeedinaya Cabdulqaadir Maxamed Mursal (Samakaab).
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii maleeshiyada Al-shabaab ay xalay ku qaadday makhaayadda Pearl ee xeebta Liida ay ku dhinteen sagaal qof oo lix ka mid ah ay ahaayeen rayid iyo saddex ciidamada ammaanka ah.
Howlgalkii ka socday hotel-ka Pearl Beach ee ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay xalay saqdii dhexe xilliga magaalada Muqdisho.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadaan hawlgal ay ku soo afjarayaan weerarka, iyada oo warar hordhac ahi ay sheegayaan, inay gudaha hotelka ku jiraan, xubno ka mida, kooxdii weerarka geysatay.
In ka badan 20 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay deegaanka Muraale oo u dhexeeya degmada Qoryoolay iyo deegaanka Janaale, ka dib markii ay ku qaraxday walax aan la aqoonsan.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ayaa mar kale dib u xaqiijiyey in ay ka go’an tahay qorshaha lagu dhimayo ciidamada ATMIS, islamarkaana mas’uuliyadda amni loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.
Deegaanno badan oo ka mid ah Puntland ayaa waxaa dhawaan markii ugu horreysay ka qabsoomay doorasho qof iyo cod ah oo ay dadka kusoo doorteen mudanayaasha golayaasha deegaanka. In ka badan 30 degmo ayay doorashadaasi ka dhacday.
Sannadihii ugu dembeeyay isbedelka amni ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sababay in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ay abuuraan naadiyo aqris, taas oo keentay in xagga aqoonta ay awoodda saaraan.
Kuwo kale