Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Duqeyn dishay 30 qof oo shacab ahaa


Afghanistan

Duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanka uu la damacsanaa dagaal-yahanada Daacish ee Afghanistan, ayaa dishay ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, oo ku nasanayey barxad kadib markii ay shaqo ka baxeen, waxaa sidaas maanta sheegay saraakiil.

Weerarkan oo dhacay habeenkii arbacada ayaa sidoo kale dhaawacay 40 qof, kadib markii si qaldan loola beegsaday beeraley iyo shaqaale soo dhameeyey gurista nooc ka mid ah looska, deegaanka Wazir Tangi ee bariga Afghanistan.

“Shaqaalaha waxay shiteen dab, wayna wada fadhiyeen markii diyaaradda drone-ka ay beegsatay” waxaa sidaas yii Malik Rahat oo ka mid odayaasha qabaa’ilka, oo qadka taleefonka kula hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan iyo sarkaal Mareykan ah oo ku sugan Kabul ayaa xaqiijiyey inuu jiro weerarka, hase yeeshee ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha shacabka.

“Ciidamada Mareykanka waxay fuliyeen weerar ka dhan ah argagixisada Daacish ee gobolka Nangarhar” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan Colonel Sonny Leggett.

“Waan ka warhaynaa eedeymo la xiriira dhimashada dad aan dagaal-yahanno ahayn, waxaana kala shaqeeneynaa saraakiisha deegaanka inaan go’aan ka gaarno xaqiiqada arrintan” ayuu yiri.

Afhayeenka barasaabka gobolka Nangarhar Attaullah Khogyani ayaa sheegay in meydadka sagaal qof laga soo qaaday goobta. Haidar Khan oo leh beerta, oo uu sheegay inay ka shaqeynayeen 150 qof, ayaa yiri in weli la ‘yahay dad badan.

Reuters

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG