Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arday ku dhimatay iskuul kusoo dumay Nairobi


Dadweyne halka iskuulka ku burburay
Dadweyne halka iskuulka ku burburay

Toddoba caruur ah ayaa geeriyooday, ugu yaraan 57 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii maanta uu soo dumay iskuul ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Dhismaha ayaa burburay waxyar un kadib toddobadii subaxnimo markaasi oo caruurta ay galayeen fasalladooda.

Taleefishinada gudaha ayaa muujinayey muuqalalda shaqaalaha gurmadka deg degga oo baaraya biraha shubka iyo dhagxaanta burburka iskuulka Precious Talent, islamarkaana marooyin cad ku sida meydad lagu qaaday baabuurta gurmadka deg degga.

“Waxaa jira 57 arday oo dawo loogu qaaday isbitalka, waxaana sidoo kale xaqiijin karnaa dhimashada toddoba qof” waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Cyrus Oguna.

Isbitalka Kenyatta ayaa goor dambe barta twitter-ka ku sheegay in 64 arday la keenay isbitalka.

Waxaa buburay dabaqa koowaad ee dhismaha iskuulka, taasi oo caruur badan ku go’doomisay hoostiisa, waxaa sidaas taleefishinka NTV u sheegay xildhibaan deegaan oo lagu magacaabo John Kairie.

Weli ma cadda waxa sababay in iskuulka soo dumo, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa horey uga digay in qiyaastii 30 illaa 40,000 oo dhismo oo Nairobi laga dhisay, ayada oo aanay dowladda fasaxin ay halis ugu jiraan inay burburaan.

Saddex sano ka hor, dhisme ka kooban lix dabaq oo ku buburay Nairobi ayaa sababay dhimashada 51 qof, kadib roobab xooggan.

Reuters

XS
SM
MD
LG