Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxootigii ugu horreeyey ee laga qaaday Libya oo gaaray Kigali


Koox ka kooban 66 qof oo qaxooti African ah oo laga soo qaaday dalka Libya ayaa soo gaaray magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda, sida ay sheegtay QM.

Kooxdan ayaa ah tii ugu horreysay wax noqon kara kumanaan qof oo dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika looga soo rarayo barnaamij cusub.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib ballanqaad uu madaxweyne Paul Kagame sameeyey sanadii 2017, isaga oo “hoy” u yaboohay Afrikaanta, kadib markii ay soo baxeen in jir dil, xadgudubyo galmo iyo ku shaqeysasho qasab ah loogu gaysto Libya.

Horraantii bishan, Rwanda ayaa heshiis la saxiixatay Midowga Afrika iyo hay’adda qaxootiha QM ee UNHCR, ayada oo ogolaatay inay qaabisho qaxootiga iyo dadka magan-galyo doonka Afrikaanka ah ee ku xaniban Libya.

Dowladda Rwanda ayaa sheegtay inay isu diyaarisay inay qaabisho illaa 30,000 oo qof, inkasta oo qorshaha uu yahay in markiiba dib u dejin loo sameeyo 500 oo qof, si looga hortago in 12-ka milyan ee dalkaas ku nool ay dareemaan culeys.

“Hadda ay cago dhigteen” waxaaa sidaas barta twitter kusoo qortay hay’adda UNHCR, ayada oo caruur aanay cidna la socon, hooyooyin keligood caruur korsada, iyo qoysas ay tageen magaalada Kigali, goor dambe oo khamiistii ahayd.

Qofka ugu da’da yaraa ayaa ahaa gabar 2 bilood jirta oo ay dhaleen waalidiin Soomaali ah.

Sarkaal ka tirsan QM ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in duulimaadka midkan xiga oo ay saaran yihiin 125 qof la qorsheeyey 10-ka illaa 12-ka October.

Dadkan ayaa la dejin doonaa xarun ku-meel gaar ah, ka hor inta aan dib u dejin loogu sameyn qeybo kale oo ka mid ah dalka Rwanda, haddii aysan dooneyn inay dalalkooda dib ugu laabtaan.

Dadka cusub ee shalay yimid ayaa degi doona xarunta qaxootiga ee ku-meel gaarka ah ee Gashora oo ku taalla degmada Bugesera oo qiyaastii 60km u jirta magaalada Kigali.

Madaxweyne Kagame ayaa markii ugu horreysay yaboohay inuu qaato Afrikaanta ku xaniban Libya, kadib markii warbixin uu diyaariyey taleefishinka CNN ay muujisay wax u muuqday suuq addoonsi oo halkaas ku yaalla.

Xaaladda ayaa noqotay mid deg deg ah bishii July markaasi oo in ka badan 40 qof lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo haleeshay xarun lagu xabiso muhaajiriinta oo ku taalla magaalada Tajoura ee dalka Libya.

QM ayaa sheegeysa in qiyaastii 42,000 oo ah qaxooti u badan Afrikan ay iminka ku sugan yihiin Libya.

AFP

XS
SM
MD
LG