Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil Mareykan ah iyo Taliban 'oo kulmay'


Wafdi Taliban ah ayaa khamiistii la kulmay wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afghanistan Zalmay Khalilzad, sida ay laba ilo-wareed u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Kulankan ayaa ah xiriirkii ugu horreeyey ee la ogyahay ee dhex mara labada dhinac tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka uu ka baxay wada-hadallada, bishii tagtay.

Trump ayaa hakiyey wada-hadallada, kadib markii askari Mareykan ah iyo 11 qof oo kale ay ku dhinteen qarax ka dhacay Kabul.

Wada-hadallada ayaa looga dan lahaa qorshe ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan Afghanistan, ayaga oo dhaafsanaya in Taliban ay damaanad qaaddo amniga.

Si kastaba, ilo-wareedyada ayaa sheegay in kulanka oo ka dhacay caasimadda Pakistan ee Islamabad, islamarkaana socday in ka badan saacad, aysan macnaheedu ahayn in wada-hadallada ay dib u billowdeen

“Saraakiisha Taliban waxay kulan la yeesheen Zalmay Khalilzad...waxa aan kuu sheegi karo kaliya ayaa ah in Pakistan ay kaalin ka cayaartay inay ka dhaadhiciso muhiimadda hanaan nabadeed” waxaa sidaas Reuters u sheegay sarkaal sare oo Pakistani ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Waxa uu intaas ku daray in kulanka, oo sidoo kale uu xaqiijiyey ilo-wareed kale, uusan ka dhigneyn wada-xaajoodyada nabadeed oo si rasmi ah dib ugu billowday, hase yeeshee looga dan lahaa in dib loogu soo celiyo kalsoonida.

Safaaradda Mareykanka ee Islamabad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Washington ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiyaan in kulan uu dhacay.

REUTERS

XS
SM
MD
LG