Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo iyo Uhuru oo 'wada-hadallo yeeshay'


Farmaajo, Uhuru iyo Sisi
Farmaajo, Uhuru iyo Sisi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa uu wada-hadallo “la isku fahmay” kula yeeshay magaalada New York oo ay u joogaan ka qeyb-galka shirka Golaha Guud ee QM, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka labada hoggaamiye uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi, oo sidoo kale goobjoog ka ahaa.

“Waxaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.” Ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale “waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.”

Villa Somalia waxay sheegtay in madaxweyne Farmaajo intii uu kulanka socday ku “adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka taas oo la isku waafaqay.”

Dowladda Kenya weli wax war ah kama soo sarain wada-hadallada labada madaxweyne iyo waxa looga hadlay intaba.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku xaqiijisay in kulan saddex geesood ah ay yeesheen Farmaajo, Uhuru Kenyatta iyo Al-Sisi.

“Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan koowaad oo ah tallaabo loo qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rumeysneyd, ayna sii wadeysaa inay ku baaqdo in wada-xaajoodyadu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan” Ayey tiri.

XS
SM
MD
LG