Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Johnson: Iran ayaa ka dambeysay weeraradii Aramco


Ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa Iran ku eedeeyey inay ka dambeysay weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee Sacuudiga, xilli uu kusii jeeday magaalada New York, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Iran.

“Waxaan kuu sheegi karaa in UK ay mas’uuliyadda weeraradii lagu Aramco dusha u saareyso Iran” ayuu yiri Boris Johnson oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Press Association.

Johnson ayaa la filayaa inuu Kulanka Guud ee QM ee New York kula kulmo madaxweyne Hassan Rouhani.

Waxa uu sidoo kale Rouhani kala hadli doono weeraradaas, ayada oo ay kulanka kala qeyb gali doonaan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo ra’iisul wasaraha Jarmalka Angela Merkel.

“Waxaan rumeysannahay in ay aad suurta-gal u tahay in Iran ay mas’uul ka tahay isticmaalka diyaarado drone ah iyo gantaallada kuruuska” ayuu Johnson u sheegay weriyayaasha.

“Waxaa cad in arrinta adag ay tahay sidii aynu u agaasimi lahayn jawaab caalami oo arrintan laga bixiyo, iyo wadadda xigta oo ay tahay inaan qaadno.”

“Waxaan la shaqeeneynaa saaxiibadeena Mareykanka iyo Yurub, si aan u jawaabno iyo inaan qaboojino xiisadda gacanka.” Ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Britain.

Mareykanka iyo Iran ayaa sidoo kale weeraradii dhacay 14-ka September waxay ku eedeeyeen Iran.

Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada oo ay sheegteen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, ee Tehran ay taageerto.

AFP

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG