Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nabadeynta Somalia oo dhibbane u noqotay is-beddelka cimilada


Is-beddelka cimilada waxa uu caqabad ku yahay nabadeynta Soomaaliya, sababtoo ah abaaraha iyo daadadka waxa ay xoojiyaan mintidiinta, islamarkaana wiiqaan dowladda, waxaa sidaas sheegtay warbixin cusub oo lasoo saaray Arbacadii.

Machadka Daraasaadka Nabadda Caalamka ee Stockholm, ee loo soo gaabiyo SIPRI, ayaa sheegay in 30 sano oo dagaallo ah – oo ay ku darsantay abaar sii kordhaysa –ay caqabado halis ah ku yihiin xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM.

UNSOM waxay Soomaaliya joogtay tan iyo sanaddii 2013, ayada oo ka caawineysa dowladda sida ugu wanaagsan ee nabad loo heli karo, ha noqoto hub ka dhigista dagaal-yahanada ama isu keenista bulshooyinka is-diidan.

“Waxa iigu yaabka badnaa ayaa ahaa, saameynta is-beddelka cimilada uu ku leeyahay shaqo kasta oo ka mid ah jadwalka UNSOM” waxaa sidaas Reuters u sheegay Florian Krampe oo warbixinta wax ka qoray.

“is-beddelka waxa uu culeys weyn ku yahay shaqada UNSOM ee nabadda iyo amni soo dabaalista iyo sidoo kale dadaallada ay ku aas-aaseyso maamul shaqeeya iyo hannaan cadaaladeed.” Ayuu yiri Florian Krampe.

Waxa uu sheegay in dadka ka cararaya saameynta is-beddelada cimilada, sida abaaraha iyo daadadka, ay u baylahan yihiin in ay qortaan kooxaha mintidiinta.

Xerooyinka dadka ku bataan ayaa noqdo meel ay Al-Shabaab ka qortaan dagaal-yahannada, islamarkaana waxaa ka dhaca dagaallo ka dhasha kheyraadka la isku qabsado, ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in mintidiinta ay xasaradaha ka dhashay is-beddelka cimilada u adeegsadaan inay ku helaan sharciyad.

Sida ay sheegtay QM, 2.5 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa waxaa guryahooda ka barakiciyey abaaro iyo amni darro, sanadihii dhowaa. In badan oo ayaga ka mid ah ayaa hadda halis ugu jira macluul.

Warbixinta machadka SIPRI waxay sheegtay in dagaallada sii kordhaya ee u dhaxeeya lo’leyda iyo beeraleyda ee ku saleysan biyaha iyo dhulka ay caqabad ku noqotay UNSOM, halka dadka qaxaya ay u bayalahn yihiin in Al-Shabaab ay qorato.

“Is-beddelka cimilada waxay kaalin ka qaadatay kororka dadka barakacaya ee u guuraya magaalooyinka waa weyn, sida Muqdisho, waxayna hadda ku nool yihiin xerooyin aad u liita” ayay tiri warbixinta.

“Xerooyinka waxay noqdeen goobo ay ka dhacaan falal dambiyeedyo sida dadka sida sharci-darrada ah looga ganacsado, ka faa’iideysashada caruurta iyo sidoo kale goobo ay Shabaab ka qortaan dagaal-yahanno” ayay tiri warbiixnta.

Cilmi-baarista ayaa sidoo kale sheegtay in barakaca ay UNSOM ku weysay odayaashii deegaanka ee xalin jiray dagaallada, taasi oo meesha ka saartay hanaan maamul deegaan oo jiray.

Warbixinta ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay baratay sida looga faa’iideysto musiibooyinka dabiiciga ah, ayaga oo caawinaya dhibanayaasha islamarkaana sharciyad u yeelaya awooddooda.

“Al-Shabaab waxay ururiyaan cunno iyo lacag la keeno xarumahooda tabarucaadda, si ay gargaar u siiyaan dadka dhibaatada ay gaartay” ayey tiri warbixinta.

Cilmi-baarista ayaa intaas ku dartay “So noq-noqoshada abaaraha, daadadka iyo macluusha ee sii kordhaya waxay Al-Shabaab u gacan gelisay fursad ay isugu muujiyaan inay yihiin kuwa dadka u gar-gaara.”

UNSOM ayaa sheegtay inay si aad ah ugu raacsan tahay warbixinta, hase yeeshee waxa ay muran ka keentay aaminsanaanta cilmi-baarayaasha ee ah in deeq bixiyayaasha caalamka aysan ka warhayn saameynta bulsho ee weyn ee ka dhashay dhibaaatooyinka degaan.

REUTERS

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG