Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boris Johnson oo guul-darro kale ay ku dhacday


Boris Johnson
Boris Johnson

Aqalka Sare ee Britain ayaa maanta ansixiyey sharci ku qasbaya Boris Johnson inuu dib u dhigo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, taasi oo dhabar-jab cusub ku ah ra’iisul wasaaraha.

Sharcigan qabyada ah, oo iminka u baahan ogolaanshaha rasmiga ah ee boqoradda Queen Elizabeth, ayaa dib u dhigaya Brexit muddo dhaafsan waqtiga iminka la gooyey oo ah 31-ka October, haddii Johnson uusan heshiis ka bixitaan la gaarin Midowga Yurub.

Johnson, oo sheegay inuu door bidi lahaa inuu dhinto isaga xarbinaya intii uu Midowga Yurub weydiisan lahaa waqti dheeri ah, ayaa doonaya in doorasho deg deg ah la qabto, taasi oo siin karta awood uu Britain uga saaro Midowga Yurub.

Waxa uu maanta olole ka sameeyey Scotland, halkaasi oo uu kula hadlay kalluumeysato si xooggan u taageersanaa aftidii Brexit ee 2016.

Johnson ayaa sharciga dib u dhigaya ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ku qeexay “is-dhiibitaan” u ogolaanaya 27-ka dal ee kale ee Ururka inay maamulaan xeerarka Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub oo ay xubin ka ahayd 46 sano.

XS
SM
MD
LG