Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda sare ee Britain oo diiday go'aanka Johnson


Maxkamadda Sare ee Britain ayaa maanta xukmisay inay sharci-darro tahay tallaabadii ra’iisul wasaare Boris Johnson uu baarlamanka ku kala diray muddo shan toddobaad ah.

Xukunkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah awoodda Johnson, waxayna shaki cusub gelineysaa wacadka uu ku maray inuu Britain ka saarayo Midowga Yurub 31-ka October, xitaa haddii aan heshiis lala gaarin Brussels.

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Britain, John Bercow, ayaa durba ku dhowaaqay in xildhibaannada ay dib u kulmi doonaan subaxnimada arbacada.

Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka, oo iminka ku sugan magaalada New York, ayaa warbaahinta Britain u sheegay “Inuu si xoogan u diidan yahay” go’aanka balse uu xushmeyn doono.

Waxa uu ku dooday in hakinta shaqada baarlamanka ee illaa 14-ka October ay ahayd tallaabo iska caadi ah, oo dowladdiisa u ogolaaneysa waqti ay ku dejiso ajende sharciyeed cusub.

Hase yeeshee kuwa dhaliila ayaa ku eedeeyey inuu isku dayayo inuu aamusiyo xildhibaannada.

Iyada oo ku dhowaaqaysa go’aanka oo si aqlabiyad leh ay isugu raaceen 11-ka garsoore, ayaa madaxweynaha maxkamadda sare Brenda Hale waxay tiri “Go’aanka lagula taliyey boqorad Queen Elizabeth-da labaad inay shaqada baarlamanka joojiso wuxuu ahaa mid sharci-darro ah.”

Waxa ay tiri “Sababtu waxay tahay go’aanka wuxuu yeeshay saameyn la isgu dayayo ama lagu joojinayo awoodda baarlamanka ee ah inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.”

Sidaa darteed hakinta waxay ahayd “mid aan waxba ka jirin, oo aan dhaqan-gal ahayn” ayey tiri Hale. “Shaqada baarlamanka lama hakin.”

AFP

XS
SM
MD
LG