Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pompeo oo soo dabcay xilli Iran ay ka digtay "dagaal buuxa"


Mike Pompeo iyo Mohammed bin Zayed al-Nahyan
Mike Pompeo iyo Mohammed bin Zayed al-Nahyan

Iran ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digtay in la geliyo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, waxayna sheegtay in weerar kasta oo lagu soo qaado ay ka bixin doonto jawaab ciqaab adag leh.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in Trump, oo horey u amray cunqabateeno dheeri ah oo la saaro Iran, uu doonayo in xal nabadeed loo helo xasaradda.

Waxa uu hadlayey kadib wada-hadallo uu hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka kala yeeshay weerarkii lagu qaaday xarumaha salidda Sacuudiga, kaasi oo Washington iyo Riyadh ay ku eedeeyeen Tehran.

Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarka, oo Pompeo uu ku qeexay dagaal lagu qaaday boqortooyada.

Pompeo ayaa u muuqda inuu hadalkiisa dabciyey kadib wada-hadalladii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Abu Dhabi, oo ah ninka ay ka go’ado talada Imaaraadka Carabta, oo ah isbaheysiga Carbeed ee ugu weyn ee Sacuudiga.

“Waxaan halkan u joognaa inaan dhiso xulufo looga gol leeyahay inay ku guuleysato xal nabadeed. Taasi waa howsheeda, taasi waa waxa madaxweyne Trump uu doonayo inaan ka shaqeeyo, oo aan ku guuleysto, waxaan rajeynayaa in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay sidaas u aragto” ayuu yiri Pompeo.

Pompeo ayaa xulufada uu dhisayo ku qeexay “ficil diblomaasiyadeed”, halka wasiirka arrimaha dibedda Iran Mohammed Javad Zarif uu CNN u sheegay in Iran aysan gam’i doonin, haddii ay noqoto inay iska difaacdo weerarka Mareykanka ama Sacuudiga, oo uu sheegay inuu hoggaamin doono “dagaal buuxa”

Reuters

XS
SM
MD
LG