Ergeyga Mareykanka ee hoggaaminaya dadaallada heshiiska lagula galayo Taliban ayaa magaalada Kabul kula kulmay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, xilli heshiis taariikhi ah oo lala galayo kooxda muqaawamada uu aad u dhow yahay.
Israel ayaa maanta sheegtay inay ilaa bar dhimeyso shidaalka ay siiso shirkadda kaliya ee korontada u qeybisa magaalada Gaza, ayada oo ka jawaabeysa gantaallo ay sheegtay in looga soo tuuray magaaladaas.
Israel ayaa fulisay ugu yaraan hal weerar oo ka dhan ah bakhaar hub oo ku yaalla dalka Iraq, waxaa sidaas weriyey wargeyska The New York Times.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay warqad uu 17-kii bishan soo saaray ergeyga xogahayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan oo la xiriirtay doorashada madaxweynaha Jubaland.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ka fakaraya tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo hoos u dhac laga cabsi qabo inuu ku yimaado dhaqaalaha, inkasta oo madaxweyne Trump uu ku adkeysanayo in dhaqaalaha dalka uu caafimaad qabo.
Madaxweynaha xukunka lagu tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir, oo dalka xukumay muddo 30 sano ah, ayaa maanta kasoo hormuuqday maxkamad ku taalla magaalada Khartoum, isaga oo wajahaya dacwado musuq-maasuq.
Israel ayaa ka mamnuucday Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka booqasho ay qorsheeyeen inay ku tagaan Qudus iyo Daanta Galbeed, waxaa sidaas maanta shaaciyey wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Israel, Tzipi Hotovely.
Golaha wasiirada Malaysia ayaa maanta ka wada-hadlay waxa laga yeelayo degenaanshaha joogtada ah ee uu dalkaas ku leeyahay Sheekha u dhashay India ee Zakir Naik, ayada oo saddex wasiir ay dalbadeen in dalka laga cayriyo sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu jeediyey hadallo jinsiyeed xasaasi ah.
Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa sheegay in Iran ay doorbideyso wada-hadallo ay la gasho Mareykanka, haddii cunaqabateynta laga qaado Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Iran hadda kadib iskama indha tiri doonto “dambiyada badeed” ee ka dhacaya Gacanka, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha dibedda dalkaas, maalin kadib marki Tehran ay qabatay markab laga leeyahay Iraq, oo ay ku eedeysay inuu gudbinayey shidaal sharci-darro ah.
Waaxda cadaaladda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray laba nin oo kasoo jeeda dalka Soomaaliya, oo maleegayey inay taageero agab iyo dhaqaale siiyaan kooxda Daacish, oo Mareykanka uu ku calaameeyey urur argagixiso oo shisheeye.
Duqii hore ee magaalada Tehran, Mohammad Ali Najafi ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu helay dambi ah inuu dilay xaaskiisa, waxaa sidaas maanta shaacisay waaxda cadaaladda Iran.
Wasiirka maaliyadda Kenya ayaa maanta la xiray laguna soo oogay dacwado la xiriira musuq-maasuqa dhismaha laba biyo-xireen, waxaa sidaas maanta sheegay dacwad oogaha guud ee Kenya.
Duqeyn Mareykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya ayaa lagu dilay 13 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Daacish, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga Mareykanka.
Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu maanta gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad.
Dacwad-oogayaasha Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, ayada oo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane.
Wakaaladda wararka Turkiga ayaa maanta sheegtay in wafti ka socda Mareykanka ay la kulmayaan saraakiisha Turkiga, ayaga oo kala hadlay codsiga Ankara ee ah in loo soo masaafuriyo wadaadka Turkiga ee Mareykanka ku nool, Fethullah Gulen.
Suuqa saamiyada Dubai ayaa maalinkii ugu dambeysay ee sanadii 2018 xirmay, ayada oo uu luumiyey 25% qiimahiisa, taasi oo ka dhigtay sanadkii ugu xumaa ee suuqa, tan iyo xasaradihii dhaqaale ee dunida ka dhacay toban sano ka hor.
Inkasta oo ay jirto diidmada congress-ka Mareykanka, ayaa Turkiga waxa ay heli doonaan toddobaadkan qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka, sida saraakiil ka tirsan pentagon-ka iyo socdaalka ay u sheegeen VOA.
Kuwo kale