Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya: 13 Daacish ah oo duqeyn lagu dilay


Duqeyn Mareykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya ayaa lagu dilay 13 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Daacish, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga Mareykanka.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa xilli dambe oo maalintii khamiista ahayd sheegay in duqeynta lala beegsaday kooxdan argagixisada ah laga fuliyey buuraha Golis ee gooblka Bari.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Waxaan qiimeynay in wax shacab ah aysan ku dhiman ama ku dhaawacmin duqeynta.”

Duqeyn kale oo sidoo kale Soomaaliya ka dhacday bishii April ayaa lagu dilay Cabdixakiim Dhuqub oo ka tirsanaa hoggaanka Daacish.

Mareykanka ayaa sanadkan aad u kordhiyey duqeymaha Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in haddii duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya ay ku socdaan xawaarahan, uu sanadkan fulin doono kuwii ugu badnaa.

XS
SM
MD
LG