Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal dhex-maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu maanta gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad.

Wararka ay VOA ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay weerar ku qaadeen fadhiisin ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab oo ku yaalla goobta lagu magacaabo Ceel-Geelow una dhow degaanka Yaaqle.

Dagaal qaraar oo halkaasi ka dhacay kadib ayaa la sheegay in ciidamada dawladda ay dib usoo gurteen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in baabuur ay saarnaayeen saraakiil ay ku qarxiyeen miinooyinka dhulka lagu aaso.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in ilaa afar askari ay dhinteen. Sida ay sheegayaan wararka dhinaca amniga waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba ka mid ah saraakiisha ciidanka iyo xubno ka tirsan ciidamada dawladda.

Ciidamada Guutada Labaad ee xoogga dalka ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen weerarkaas.

Wararku waxay intaas ku darayaan inuu jiro khasaare soo gaadhay dhinaca Al-Shabaab.

Dhinaca kalena, milataraiga Maraykanka ayaa sheegay in saddex ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab lagu dilay duqayn shalay ka dhacay nawaaxiga Tooratoorow ee Gobolka Shabeellda Hoose.

Maraykanku waxay sheegeen in duqayntan ay iskaahsi kala sameeyeen dawladda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG