Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo duqeysay goobo ku yaalla Iraq


Israel ayaa fulisay ugu yaraan hal weerar oo ka dhan ah bakhaar hub oo ku yaalla dalka Iraq, waxaa sidaas weriyey wargeyska The New York Times.

Waxaa jiray qaraxyo dhowr ah oo bishan ka dhacay xerooyin lagu tababaro ciidamo iyo bakhaaro hub, oo ay leeyihiin ciidamada sida militariga u tababaran ee Xashad Al-Shacbi, oo ah maleeshiyo xulufo la ah Iran.

Israel ayaa si joogto ah u beegsata bartilmaameedyo Iran ay ku leedahay Syria, hase yeeshee inay ololoheeda ku ballaariso Iraq, ayaa dhaawaceysa xiriirka Washington iyo Baghdad.

Sarkaal sirdoon oo Bariga Dhexe ku sugan ayaa sheegay in Israel ay bishii tagtay duqeysay saldhig ku yaalla waqooyiga Baghdad, halka laba sarkaal oo Mareykan ah ay sheegeen in Israel ay maalmihii dhowaa dhowr jeer weerartay Baghdad.

Taliye ku-xigeenka kooxda Xashad Al-Shacbi, Abu Mehdi al-Muhandis oo naceybkiisa ka dhanka ah Mareykanka ay hoggaamisay in lagu daro liiska argagixisada, ayaa si aan gabasho lahayn ugu eedeeyey Washington inay fulisay qaraxyada.

Hase yeeshee Faleh al-Fayyadh, oo ah madaxa rasmiga ah ee kooxda Xashad, ayaa dib uga laabtay eedeyntaas, wuxuuna sheegay inay socdaan baaritaanno.

XS
SM
MD
LG