Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo helaya diyaaradaha F-35


Inkasta oo ay jirto diidmada congress-ka Mareykanka, ayaa Turkiga waxa ay heli doonaan toddobaadkan qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka, sida saraakiil ka tirsan pentagon-ka iyo socdaalka ay u sheegeen VOA.

Shirkadda Lockheed Martin ee sameysa diyaaradaha F-35 ayaa maanta waxa ay xaflad arrintaas ku saabsan ku qaban doontaa magaalada Fort Worth ee gobolka Texas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadda.

Sharciga ansixinta difaaca qaranka ee NDAA ayaa labadiisa qeyb ee aqalada wakiilada iyo senate-ka Mareykanka waxaa ku jira xanibaado diidaya in Turkey ay qeyb ka noqoto barnaamijka F-35.

Sharci dejiyayaasha Mareykanka ayaa ka walaacsan xariga Ankara ay kula kacday baadari Mareykan ah iyo qorshaha ay kusoo iibsaneyso barnaamijka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400.

Si kastaba, sharciga NDAA ayaa dhaqan-geli doona kaliya marka ay ansixiyaan labada aqal ee congress-ka Mareykanka.

XS
SM
MD
LG