Isku xirrada

War Deg-Deg ah

2018: Sanad aad ugu xumaa dhaqaalaha Dubai


Emirates Mideast Daily Life
Emirates Mideast Daily Life

Suuqa saamiyada Dubai ayaa maalinkii ugu dambeysay ee sanadii 2018 xirmay, ayada oo uu luumiyey 25% qiimahiisa, taasi oo ka dhigtay sanadkii ugu xumaa ee suuqa, tan iyo xasaradihii dhaqaale ee dunida ka dhacay toban sano ka hor.

Dalxiiska iyo iyo iibka guryaha ayaa si gaar aad u liitay, sanadikii 2018.

Hoos u dhaca suuqa dhaqaalaha Dubai, ayaa ka mid ahaa kuwii ugu xumaa ee gaara dalalka Khaliijka iyo Carabta, ayada oo ay jiraan astaamo muujinaya in dhaqaalaha ilaha badan ku tiirsan ee Imaaraadka uu hoos u dhacayo.

“Wax soo saarka mashiinada dhaqaajiya dhaqaalaha Imaaraadka ee ah; hantida ma guurtada iyo ganacsiga ayaa ahaa kuwa liita” waxaa sidaas yiri M.R. Raghu oo ah madaxa xarunta climb baarista maaliyadda Kuwait ee Markaz.

Hase yeeshee xaaladda uma xumeyn sida sanadii 2008, markaasi oo suuqa saamiyada Dubai uu gaaray khasaare dhan 72% kadib markii xasaradihii dhaqaale ee dunida ay dhibaatooyin deymo la xiriira ku kiciyeen Imaaraadka.

Suuqa saamiyada Qatar, ayaa aad uga wanaagsanaa Imaaraadka, waxaana uu dalalka carabta ku hogaaminayey dhammaadkii sanadka faa’iido 21% ah, inkasta oo muddo 18 bilood ah dalkaas uu ku jiro go’doon ay saareen dalalka deriska la ah ee uu hogaamiyo Sacuudiga.

Dhaqaalaha suuqa Abu Dhabi ayaa isna koror 10% ku dhameystay sanadkii 2018.

Suuqa saamiyada ugu weyn dunida carabta ee Sacuudiga ayaa sanadka ku dhameystay faa’iido 8.3% ah, inkasta oo bishii October uu asiibay hoos u dhacii ugu xumaa muddo saddex sano ah kadib markii weriye Jamaal Khaashuqji lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

“2018 waxa uu suuqa saamiyada Sacuudiga u ahaa sanad aan xasilooneyn, wuxuu ku bilowday si xooggan hase yeeshee hubanti la’aan siyaasadeed ayaa sababtay inuu dhibco badan lumiyo” ayuu Raghu u sheegay AFP.

Sababaha ugu weyn ee khasaaraha suuqa saamiyada Dubai ayaa ah ayada oo uu hoos u dhacay iibka hantida ma guurtada ah, oo ay ugu wacan tahay dalabka oo hoos u dhacay iyo guryo ka badan kuwii loo baahnaa oo la dhisay.

Iibka guryaha, oo ah 13% dhaqaalaha Dubai ayaa hoos u dhacayey tan iyo sanadii 2014, hase yeeshee wuxuu xoogaystay 2018-kii.

Rubacii saddexaad ee sanadkii 2018, oo kaliya, ayaa qiimaha guryaha eee Dubai waxay hoos u dhaceen 7.4%, sida uu sheegay Bankiga dhexe ee Dubai.

Saamiyada shirkadda Emaar, oo ah tan ugu weyn ee dhismaha ee bariga dhexe ayaa lumisay ku dhowaad bar qiimaheeda.

Dhaqaalaha guud ee Dubai, oo aan ku xirneyn iibka saalidda ayaa la filayaa in sanadkii 2018 uu koray kaliya 2.3%, taasi oo ka yar 2.8% sanadkii 2017.

AFP

XS
SM
MD
LG