Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga iyo Mareykanka oo ka hadlaya Gulen


Wakaaladda wararka Turkiga ayaa maanta sheegtay in wafti ka socda Mareykanka ay la kulmayaan saraakiisha Turkiga, ayaga oo kala hadlay codsiga Ankara ee ah in loo soo masaafuriyo wadaadka Turkiga ee Mareykanka ku nool, Fethullah Gulen.

Gulen ayaa lagu eedeeyey inuu agaasimay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanadii 2016.

Wakaaladda wararka Anadolu ayaa sheegtay in waftigan oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan FBI-da ay la kulmi doonaan wasiirada arrimaha dibedda iyo cadaaladda Turkiga.

Wargeyska Hurriyet ee turkiga ayaa sidoo kale sheegay in waftiga Mareykanka ay la hadli doonaan sarkaalka uga sarreeya ee lagu tuhmayo inuu afgambiga ka hagayey saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla Ankara.

Turkey ayaa dalbatay in loo soo masaafuriyo Gulen oo si dibad-joog iskiis ah ugu nool magaalada Saylorsburg, ee gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Gulen waa uu beeniyey inuu wax lug ahaa ku lahaa isku dayga afgambi, oo ay ku dhinteen in ka badan 250 qof.

Tan iyo afgambigii dhicisoobay, Turkey ayaa xirtay ama shaqada ka cayrisay kumanaan qof oo lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin dhaq-dhaqaaqa Gulen.

Mareykanka ayaa marar badan ku celiyey inuusan Gulen u gacan gelin doonin Ankara, illaa ay kasoo bandhigto caddeymo lagu qanci karo oo muujinaya inuu ku lug lahaa afgambiga.

XS
SM
MD
LG