Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo burburisay 'unug CIA ah'


Ciidamada Iran
Ciidamada Iran

Iran ayaa xirtay 17 qof oo la tuhunsan yahay islamarkaana dil ku xukuntay qaar ka mid ah, kadib markii ay burburisay unug jaajuus oo u shaqeeya CIA-da, waxaa sidaas maanta sheegay sarkaal ka tirsan dowladda, xilli ay sare usii kacyeso xiisadda ka dhex oogan Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo Mareykanka.

“Hay’adaha ammaanka waxa ay si guul leh u burburiyeen unug basaasiin CIA ah” waxaa sidaas yiri madaxa qeybta ka hor-tagga sirdoonka ee wasaaradda sirdoonka Iran, kaasi oo isaga oo is-qariyey weriyayaasha kula hadlay magaalada Tehran.

“Kuwa sida ku talo-galka ah dhabarka uga toogtay dalkooda, waxaa loo gacan geliyey cadaaladda…qaar waxaa lagu xukumay dil, qaarna xabsi dheer.”

Tuhamanayaasha ayaa waxaa la xiray intii u dhaxeysay bilihii March 2018 iyo March 2019.

Tehran ayaa waxaa ay madaxa iskula jireen Washington iyo xulufadeeda tan iyo bishii May 2018, markaasi oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii Nukuliyeerka Iran ee 2015, islamarkaana cunaqabateyn adag saaray dalkaas.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii mas’uuliyiinta Britain ay qabsadeen markab saliidda qaada oo ay leedahay Iran 4-tii July, ayaga oo tuhmaya inuu saliid u dhoofinayey Syria, taasi oo jebeineysa xayiraadaha Midowga Yurub.

XS
SM
MD
LG