Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Taliban oo qarka u saaran heshiis


Ergeyga Mareykanka ee hoggaaminaya dadaallada heshiiska lagula galayo Taliban ayaa magaalada Kabul kula kulmay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, xilli heshiis taariikhi ah oo lala galayo kooxda muqaawamada uu aad u dhow yahay.

Zalmay Khalilzad ayaa muddo sanad ah ku bixiyey inuu Taliban kula kulmo magaalada Doha, halkaasi oo uu kula yeeshay wada-hadallo dhowr ah oo looga gol leeyahay in lagu soo geba-gebeeyo dagaalka 18 sano jirsaday ee Mareykanka uu ka wado Afghanistan.

Heshiiska ayaa waxaa xuddun u ah in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan, ayada oo taa beddelkeeda Taliban ay sameynayaan ballan-qaadyo dhowr ah oo amni, wada-hadallo nabadeed oo ay la yeeshaan dowladda dalkaasi, iyo ugu dambeyn xabad joojin.

Sarkaal magaciisa qariyey ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Khalilzad uu habeenkii axadda yimid Kabul, uuna la kulmay Ghani, si uu ugala hadlo dhacdooyinkii ugu dambeeyey kadib wareegii sagaalaad ee wada-hadallada oo kusoo geba-geboobay caasimadda Qatar.

Wada-hadallo kale oo dhowr ah ayaa la filayaa in maanta yeeshaan Ghani iyo Khalilzad.

Wada-hadalladan ayaa muhiim ah, sababtoo ah dowladda Afghanistan ayaa tan iyo markan dibedda ka joogtay wada-hadallada, inkasta oo heshiis kasta oo lala gaaro Taliban uu u baahnaan doono in Taliban ay la hadasho Ghani oo ay u aragto “adeege Mareykan.”

XS
SM
MD
LG