Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rouhani oo diyaar u ah wada-hadallada Mareykanka


Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa sheegay in Iran ay doorbideyso wada-hadallo ay la gasho Mareykanka, haddii cunaqabateynta laga qaado Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Rouhani ayaa yiri “Nabad lala wadaago Iran waa hooyada nabad oo dhan, dagaal lala galo Iran-na waa hooyada dhammaan dagaallada.”

“Iran waxay doorbideysaa wada-hadallo iyo wada-xaajoodyo, haddii Mareykanka ay doonayaanna wada-hadal, ka hor wax kasta oo dhan, waa inay qaadaan xayiraadaha” ayuu ku yiri Rouhani khudbad laga sii daayey taleefishinka dowladda.

Xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Mareykanka ayaa sii kordhaysay tan iyo markii Trump uu bishii May 2018 si gooni ah Mareykanka uga saaray heshiiskii sanaddkii 2015 laga gaaray nukliyeerka Iran.

Rouhani ayaa ku booriyey Mareykanka inay qaadaan xayiraadaha, wuxuuna ku eedeyey “argagixisanimo dhaqaale” iyaga oo “xanibay cuntadii iyo dawadii usoo degi jirtay Iran.”

Isaga oo ka jawaabaya hadalka Rouhani, ayaa ergeyga Mareykanka ee hub ka dhigista Robert Wood waxa uu sheegay in Iran looga baahan yahay inay go’aan ka gaarto in ay wada-hadal la galeyso Mareykanka iyo in kale.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa marar badan sheegay inuu doonayo inuu wada-hadallo la furo Iran.

XS
SM
MD
LG