Muxuu yahay doorka Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ee qalalaasaha siyaasadeed ee dalalka Africa iyo Carabta, gaar ahaan Libya.
Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ee dalkan Maraykanka ayaa heshiis ka gaaray miisaaniyadda sanadka 2011-ka ee doodda ka taagneyd.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimada, codeyntii shalay ka dib.
Goobihii codbixinta doorashada madaxtinimada Jabuuti ayaa la soo xiray, waxaana la gudo galay tirinta waraaqaha codadka.
Doodda miisaaniyadda Maraykanka ee Aqalka Congress-ka ayaa mareysa meel adag, taasoo horseedaysa in hakad la geliyo xafiisyo dowladeed.
Dadweynaha Djibouti ayaa maanta kala dooranaya madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle iyo musharaxa madaxa banaan ee Max'ed Warsame Raage.
Rag hubeysan oo qaarkood lebisnaa dhar ciidan ayaa maanta bartamaha magaalada Garowe ku dilay mas'uul ka tirsanaa hay'adda PDRC.
Madaxweyne Obama ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu mari labaad madaxtinimada u tartami doono, Muxuuse isticmaali doonaa doorakan?
Ciidamada Denmark ayaa meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ku dilay labo burcadbadeed ah, shan kalena nolosha ayay ku qabteen.
Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka digay ka qeybgalka shirka Soomaalida ee Nariobi.
Askar ka tirsan dowladda KMG ah oo ku soo dhaawacmay dagaalladii ka dhacay Dhoobley ayaa la dhigay Isbitaalka guud magaalada Gaarisa, .
Fanaanadda Soomaaliyeed ee caanka ah Saado Cali Warsame oo nagu soo booqatay xarunta VOA ee Washington ayaa ka hadashay Taariikhdeeda.
Ciidanka DKMG ah iyo al-Shabaab ayaa ku dagaallamay degmada Dhoobey ee gobolka Jubbada Hoose, war sugan lagama hayo natiijada dagaalka.
Guddoomiye Shariif Xasan ayaa kulan baarlamaanku yeeshay ka sheegay inaan ciddi baddali karin go'aankii ay muddada ku kororsadeen.
Ciidamada India iyo kuwa ilaalada xeebaha ayaa Axaddii Shalay meel ka baxsan xeebaha dalkaasi ka qabtay, 16 burcadbadeed Soomaali ah .
Ururka Ahlu-Sunna ee Cabudwaaq ayaa albaabada isugu dhuftay, dugsiyo lagu baran jiray Qur'aanka Kariimka oo ay ku eedeeyeen xagjirinimo.
Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in baarlamaanka hadda jira uusan doorasho cusbooneysin karin.
Dagaal iyo duqeyn ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo rayid ah, 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Ceelkii degmada Allay Baday ee Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inuu jabay, waxaana dul hoganaya kumannaan xoolo ah oo harraadan.
Burcadbadeedda Soomaalida ayaa sii daayay markab laga leeyahay dalka Tunisia, ka dib markii la siiyay $2 milyan oo madaxfurasho ah.
Kuwo kale