Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garowe: Mas'uul ka tirsan PDRC oo la Dilay


Garowe: Mas'uul ka tirsan PDRC oo la Dilay
Garowe: Mas'uul ka tirsan PDRC oo la Dilay

Dilka waxaa geystay rag hubeysan oo qaarkood ku lebisnaa dharka ciidanka.

Waxaa maanta lagu dilay bartamaha magaalada Garowe Maxamed Yaasiin (ilkacase) oo ka mid ahaa maamulka sare ee Hay’adda Horumarinta iyo Cilmibaarista Puntland ee (PDRC).

Dad goobjoogayaal ah ayaa VOA-da u xaqiijiyay in mas’uulkaasi ay dilka u geysteen rag hubeysan oo qaarkood ku labisnaa dharka ciidanka, kuwaasoo markii ay dilka geysteen goobtaasi ka baxsaday.

Dilkaasi oo ka dhacay agagaarka xarunta dowladda Hoose ee magaalada Garowe, waxaa sidoo kale ku dhintay nin ka mid ahaa ilaaladiisa.
Inkastoo ciidamada amnigu ay ku raad joogaan dableydii dilka geysatay, haddana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay falkaasi.

Lama oga sababta ka dambeysa dilkaasi, hase yeeshee waxaa in dhowaaleba magaalooyin ka tirsan Puntland ka dhacayay dilal qorsheysan oo qaarkood ay salka ku hayaan aano qabiil.

XS
SM
MD
LG