Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xildhibaano ka digay Shirka Nairobi


Muqdisho: Xildhibaano ka digay Shirka Nairobi
Muqdisho: Xildhibaano ka digay Shirka Nairobi

Xildhibaanada ayaa sheegay inay kalsoonida kala laaban doonaan ciddii ka qeybgasha shirka Nairobi.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay digniin ka soo saareen ka qeybgalka shirka Qaramada Midoobay ay qaban qaabineyso ee ku saabsan wadatashiga arrimaha Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa shirkooda jaraa'id ka sheegay inay yeesheen kulan ay ka qeybgaleen ilaa 100 xildhibaan, isla markaana ay saxiixeen mooshin kalsoonida loogala noqon doono cid kastaa oo ka tirsan dowladda oo ka qeybgasha shirkaasi.

XS
SM
MD
LG