Dagaal adag oo saacado badan socday ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhexmaray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, ciidamo taabacsan dowladda KMG ah iyo maleeshiyada kooxda al-Shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday shalay gelinkii dambe, kaasoo wararkii ugu horreeyay ay sheegeen in laysla galay gudaha degmada, markii dambena laga saaray maleeshiyadii horey u haysatay ee al-Shabaab.
Warar kale ayaa sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay dib u soo rogaal celisay.
Wariyaha VOA-da ee magaalada Garisa, Maxamed Faarax Shire ayaa soo sheegay in ay adag tahay in la helo war sugan oo la xiriira natiijada rasmiga ah ee dagaalka, waxaana taas ugu wacan ayuu yiri xiriirka isgaarsiinta oo aad u adag, ayna u egtahay inay hawada ka maqan yihiin.
In dhowaaleba, waxaa deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose isku hor fadhiyay ciidamo beeleed taabacsan dowladda KMG ah iyo kuwa al-Shabaab, kuwaasoo horeyna u dhexmaray dagaalo goos goos ah.