Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Markab la sii Daayay, Mid kalena la Afduubtay


Somalia: Markab la sii Daayay, Mid kalena la Afduubtay
Somalia: Markab la sii Daayay, Mid kalena la Afduubtay

Burcadbadeeddu waxay sii daayeen markab laga leeyahay dalka Tunisia, waxayna qafaasheen mid kale oo laga leeyahay dalka Indonesia.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa sii daayay markab ay afduub ku haysteen oo shaqaalihiisu ay u badan yihiin dad u dhashay dalka Tunisia.

Saraakiil Tunisian ah ayaa sheegay in burcadbadeeddu ay sii daayeen markabka Hannibal II iyo shaqaalihii la socday, ka dib markii la bixiyay $2 milyan oo madaxfurasho ah.

Saraakiishu waxay sheegeen in 22 ka mid ah shaqaalihii la socday markabkaasi ay u dhasheen dalka Tunisia, iyaga iyo 9 kale oo shaqaalaha markabka ka mid ah uu caafimaadkoodu wanaagsan yahay, ayna ku sii jeedaan dalka Jabuuti.

Markabkaasi kiimikaalka ah waxay burcadbadeeddu afduubatay bishii November isagoo siday saliidda wax lagu karsado oo uu ka keenay dalka Maleysia, kuna sii jeeday dalka Masar.

Dhanka kale, xoogagga la dagaalanka burcadbadeedda ee Midowga Yurub waxay sheegeen in burcadbadeed Soomaali ihi ay afduubteen markab laga leeyahay dalka Indonesia ayna u isticmaaleen isku day ay ku afduuban lahaayeen markab kale.

Ciidamada Midowga Yurub ayaa sheegay in ilaa 50 burcadbadeed ah ay ka afduubteen markabkaasi lagu magacaabo MV Sinar Kudis, isagoo ku gooshayay meel ku beegan xeebaha Soomaaliya, Arbacadii shalay.

Warka ayaa sheegaya in burcadbadeeddu ay markabkaasi u isticmaashay inay ku afduubato markab laga leeyahay dalka Liberia oo lagu magacaabo MV Emperor, hase yeeshee ay iska caabin kala kulmeen ilaalo hubeysneyd oo markabkaasi la socotay.

XS
SM
MD
LG