Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif: Baarlamaanka Isagaa Leh Go'aanka


Shariif: Baarlamaanka Isagaa Leh Go'aanka
Shariif: Baarlamaanka Isagaa Leh Go'aanka

Guddoomiye Shariif Xasan ayaa kulan baarlamaanku yeeshay ka sheegay inaan ciddi baddali karin go'aankii ay muddada ku kororsadeen.

Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan ay warbixin uga dhageysanayeen guddoomiyaha baaralaamka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan ayaa ka warbixiyay safaradii dibadda uu ku tegay iyo xil kororsiga ay sameystay baarlamaanka.

Shariif Xasan wuxuu sheegay in aan waxba laga bedeli karin go'aamada uu gaaro baarlamaanka, cidda wax ka bedeli kartaana uu yahay baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in beesha caalamku ay sugayaan in lala yimaado sababta keentay in saddex sano uu baarlamaanku xilka kororsado.

Kulanka maanta wuxuu yimid maalin ka dib markii golaha wasiiradu ay go'aansadeen inay hal sano muddada ku kordhistaan.

XS
SM
MD
LG