Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ahlu-Sunna oo Xirtay Dugsiyo Qur'aan


Ahlu-Sunna oo Xirtay Dugsiyo Qur'aan
Ahlu-Sunna oo Xirtay Dugsiyo Qur'aan

Ahlu-Sunna Waljamaaca waxay ku tilmaameen dugsiyada ay xireen in lagu barto Xagjirnimada.

Ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ee degmada Cabduwaaq ayaa albaabada u laabay dugsiyo lagu barto Qur'aanka Kariimka oo ay ku eedeeyeen Xagjrinimo.

Ahlu-Sunna ayaa sheegtay in go'aanka ay ku xireen dugsiyadaasi ay gaareen ka dib markii ay ogaadeen in caruurta lagu baro waxyaabo ka baxsan diinta, oo ay ku sheegeen inay ka mid yihiin Xagjirnimada la xiriirta diinta, cadaawadda ummadda Soomaaliyeed iyo in lagu booriyo ka qeyb qaadashada ficillada jihaadka ah ee ka jira Soomaaliya.

Madaxa guddiga Waxbarashada ee ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca ee degmada Cabudwaaq Sheekh Sheekh Xasan Cabdullaahi Maxamuud, Xasan Oomaar ayaa VOA-da u sheegay inay iyagu hadda gacanta ku hayaan maamulka dugsiyadaasi.

XS
SM
MD
LG