Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Washington: Doodda Miisaaniyadda U.S.A


Washington: Doodda Miisaaniyadda U.S.A
Washington: Doodda Miisaaniyadda U.S.A

Doodda culus ee ka taagan Miisaaniyadda Maraykanka waxay horseeday in hakad la geliyo shaqooyinka qaar ka mid ah xafiisyada dowladda.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu gelinka hore ee jimcaha maanta uu rajaynayo inuu jawaab ka helo hogaamiyeyaasha Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ee Congress-ka haddii ay heshiis ka gaareen iyo in kale, miisaaniyadda ka hor intaanay dhaqan gelin hakad gelin la qorsheeyay qeybo ka mid ah hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Obama ayaa habeenkii xalay ahaa Aqalka Cad kula kulmay guddoomiyaha Dimoqraadiga ah ee Aqalka Senate-ka Harry Reid iyo guddoomiyaha Jamhuuriga ah ee Aqalka Congress-ka John Boehner, si uu isugu dayo in laga heshiiyo khilaafka ka taagan qorshaha miisaaniyadda.

Kulanka ka dib madaxweyne Obama wuxuu wariyeyaasha u sheegay in labada dhinac ay horumar dheeri ah sameeyeen, balse uusan dooneyn inuu ku tilmaamo mid dhammeystiran.

Hakad-gelinta shaqooyinka qaar ka mid ah xafiisyada dowladda ayaa saameyn ku yeelan doonta 800,000 oo shaqaale dowladeed ah.

XS
SM
MD
LG