Al-shabaab ayaa gaashaanka u daruurtay go'aamadii Shirkii Midowga Afrika ee Kampala, waxayna ku hanjabtay dagaal ka dhan ah AMISOM.
Ururka al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaallo ku dhex maray waqooyiga muqdisho iyaga iyo ciidamada DKMG oo kaashanaya AMISOM.
Eric Holder ayaa ku tilmaamay qaraxyadii ka dhacay Kampala weeraro fuleynimo ah oo loo geystay dad aan waxba galabsan.
Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DKMG ayaa si kulul u cambaareyay talaabada Puntland qaadday ee raafka dadka ka yimid koonfurta.
Odayaasha degaanka Cabud Waaq ayaa sheegay inay ka qeybgeli doonaan wadahadalka Ceel dibir, si looga gaaro dilka 20 qof oo rayid ah.
Taliska Militariga Maraykanka ee Africa ayaa sheegay in ay taageero dheeri ah siin doonaan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Maamulka Puntland wuxuu sheegay in dhisidda maxakamadaasi ay ka dambeysay falalka la xiriira argagixisinimo oo ku soo batay Puntland.
Inta la ogyahay 11 qof ayaa ku dhimatay, ilaa 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen gaari kula rogmaday duleedka Kismaayo.
Madaxweyne Obama ayaa ka hadlay qaraxyadii Kampala, isagoo Africa ugu baaqay inay si wadajir ah uga hortagaan rabshadaha xagjirka
Kooxda al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe magaalada Baydhabo ku toogatay nin ay ku eedeeyeen inuu u basaasayay Itoobiya.
Guddoomiyaha xildhibaanada ku bahoobay kooxda badbaadinta qaranka Soomaaliyeed Cabdi Xaashi ayaa Shir jaraa'id maanta qabtay.
Qaraxaasi waxaa ku dhin labo ka mid ah Ilaalada guddoomiyaha, balse xiligaasi isagu lama socon gaariga.
Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay16 kalana way ku dhaawacmeen dagaallo mar kale maanta oo Jimco ah ka dhacay waqooyiga Muqdisho.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ka hadlay wakhtiga la filayo in ay soo baxdo natiijada doorashadu.
Madaxweynaha Somalia ayaa la hadal Saraakiil ciidanka ah oo la dalacsiiyay, waxaanu ka hadlay xaaladda dalka.
Wararka ka imanaya Somaliland ayaa sheegaya in xalay ay bilaabantay hawshii tirinta cododku.
Codbixinta doorashada Somaliland ayaa si habsami leh loo soo afjaray. In kabadan 1 malyuun oo qof ayaa ka qeybgalay doorashada maanta.
Hogaamiyaha Shabaab ayaa ugu baaqa dadka soomaaliyeed inay ka fogaadaan Doorashooyinka.
Dowladda Somalia ayaa sheegtay in dhawaan la joojin doono dhoofinta dhuxusha, oo looga dhoofiyo dekaddaha macmalka ah Somallia.
Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatay dagaal maanta ka dhacay degaanka Xoosh ee degmada Dharkeynleey.
Kuwo kale