Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alshabaab oo Naqdisay Go’aamadii Kampala


Alshabaab oo Naqdisay Go’aamadii Kampala
Alshabaab oo Naqdisay Go’aamadii Kampala

Afhayeen u hadlay kooxda al-Shabaab ayaa sheegay in go'aamada ka soo baxay shirkii AU ee Kampala aysan waxba soo kordhineyn.

Kooxda al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay go’aamadii ka soo baxay shir madaxeedkii Midowga Afrika ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxda Midowga Afrika waxay isku raaceen in 2,000 oo askari oo dheeraad ah lagu kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM.

Afhayeenka al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa ku tilmaamay go’aamadaasi kuwo aan waxba soo kordhineyn, ayna la mid yihiin ayuu yiri go’aamadii hore.

Sheekh Cali Raage ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Midowga Afrika.

Dhanka kale afhayeenka al-Shabaab ayaa iska fogeeyay inay wax xiriir ah la leeyihiin maleeshiyada ka dagaalameysa degmada Galgala ee gobolka Bari.

Cali Raage ayaa sheegay in dagaalkaasi uu u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo dadka deegaanka ah oo dhibaato kala kulmay ayuu yiri maamulkii hore ee Cadde Muse, Maamulka hadda ee Faroole iyo hay’adda sirdoonka Puntland ee PIS.

Cali Raage ayaa yiri “Haddii ay ficiloodeen dadka Muslimiinta ah ee halkaasi degan inaanay micneheedu ahayn in al-shabaab ay halkaasi tagtay.”

XS
SM
MD
LG