Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Guul ka Sheegtay Dagaalka Muqdisho

Ururka al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaallo ku dhex maray waqooyiga muqdisho iyaga iyo ciidamada DKMG oo kaashanaya AMISOM.

Af hayeenka ururka al shabaab ee dhinaca howl gallada C/Casiis Abuu Muscab oo shir jaraa'id saxaafada ugu qabtay qadka taleefanka ayaa sheegay in ay horumar ka sameeyeen dagaaladii ka dhacay dagmooyinka Boondheere iyo Cabdi Casiis.waxana uu xusay in ay dagaalkaasi gaadiid dagaal kaga gubeen ciidamada Amisom.
Waxaana uu Sheegay af hayeenka Shbaab in ay la wareegeen gacan ku haynta dekaddii hore ee Muqdisho.
Dagaalka galinkii danbe ee Isniintii maanta ka dhacay dagmooyinka Boondheere Iyo Cabdi Casiis ayaa inta la ogyahay dadka rayidka ah waxaa ku geeriyooday 5 qof halka 21 kalana ay ku dhaawacmeen sida ay VOA u sheegeen masuuliyiinta gaadiidka gurmadka ee Muqdisho
Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada af hayeenka Shabaab.

XS
SM
MD
LG