Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Codbixintii oo la soo afjaray


Codbixinta doorashada Somaliland ayaa haatan si habsami leh loo soo afjaray. In kabadan 1 malyuun oo qof ayaa ka qeybgalay doorashada maanta.

Doorashada madaxweynanimada Somaliland ayaa si habsami leh loogu soo afjaray dhammaan lixda gobol ee ay ka kooban tahay Somaliland. Saddexda musharrax ee u tartamaya ayaa iyagu saakay codkooda ka dhiibtay xarunta shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

Inta badan codbixinta ayaa si nabadgelyo ah ku dhammaatay, inkastoo rabshado aan badneyn laga soo sheegay qaar kamid ah gobollada Somaliland. Rabshadahaas ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka ammaanka ayaa markii qorraxdu dhacday waxay joojiyeen isku socodka dhammaan gaadiidka, marka laga reebo kuwa laamaha amniga.

Wariyayaasha VOA-da ee ku sugan magaalada Hargeysa-na waxay soo tabinayaan in inta badan goobaha codbixinta ay cod-dhiibashadu ka billaabatay wakhtigii loogu tala galay oo ahaa 7-da aroornimo, inkastoo goobaha qaarkood ay cod-dhiibashadu dib u dhacday.

Guddiga doorashada ee Somaliland waxay VOA-da u sheegeen inaysan doorashooyin ka dhicin degmooyinka Xuddun oo ka tirsan gobolka Sool iyo Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer, arrintaas oo ay ku macneeyeen sababo xagga amniga ah.

Muwaadiniin kor u dhaafaya 1 milyan oo qof oo isku diiwaan galiyey codbixinta ayaa safaf dhaadheer ugu jiray goobaha codbixinta. Doorashadan ayaa loo arkay inay tahay mid muhiim u ah dowladnimada Somaliland.

Natiijada Codbixinta doorashadan ayaa la fili doonaa in la soo saaro muddo maalmo ah kadib.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso sida ay codbixintu u dhacday magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame.

XS
SM
MD
LG