Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baydhabo: Al-Shabaab oo Nin Toogatay

Ninka la toogtay waxay al-shabaab ku eedeeysay inuu u basaasayay dowladda Itoobiya.

Kooxda al-Shabaab ee gacanta ku haysa magaalada Baydhabo ayaa shalay galab dil toogasho ah ku fulisay nin ay ku eedeeysay in uu basaas u ahaa dowladda Itoobiya.

Ninka la toogtay oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim C/qaadir Xasan oo 38 jir ahaa waxaa lagu toogtay garoonka kubbada cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, ka dib markii maxkamad hoos tagta maamulka al-Shabaab ay ku xukuntay dilkaasi.

Guddoomiyaha maxkamada al-Shabaab ee xukunka ku riday ninkaasi oo la hadlay dad badan oo u daawasho tegay goobta toogashadu ka dhacaysay ayaa u sheegay in ninka la toogtay uu qirtay dambiga basaasnimada ah ee lagu soo oogay iyo inuu la shaqeyn jiray dowladda kmg ah xiligii madaxweyne C/laahi Yuusuf oo uu ciidamo u tababari jiray.

Ibraahim markii la tooganayay waxaa laga xiray gacmaha iyo indhaha, ka dibna meel inta la fariisiyay ayaa rasaas lala dhacay.

This item is part of
XS
SM
MD
LG