Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baydhabo: Al-Shabaab oo Nin Toogatay


Ninka la toogtay waxay al-shabaab ku eedeeysay inuu u basaasayay dowladda Itoobiya.

Kooxda al-Shabaab ee gacanta ku haysa magaalada Baydhabo ayaa shalay galab dil toogasho ah ku fulisay nin ay ku eedeeysay in uu basaas u ahaa dowladda Itoobiya.

Ninka la toogtay oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim C/qaadir Xasan oo 38 jir ahaa waxaa lagu toogtay garoonka kubbada cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, ka dib markii maxkamad hoos tagta maamulka al-Shabaab ay ku xukuntay dilkaasi.

Guddoomiyaha maxkamada al-Shabaab ee xukunka ku riday ninkaasi oo la hadlay dad badan oo u daawasho tegay goobta toogashadu ka dhacaysay ayaa u sheegay in ninka la toogtay uu qirtay dambiga basaasnimada ah ee lagu soo oogay iyo inuu la shaqeyn jiray dowladda kmg ah xiligii madaxweyne C/laahi Yuusuf oo uu ciidamo u tababari jiray.

Ibraahim markii la tooganayay waxaa laga xiray gacmaha iyo indhaha, ka dibna meel inta la fariisiyay ayaa rasaas lala dhacay.

XS
SM
MD
LG