Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo Weli ka Socda Muqdisho

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay16 kalana way ku dhaawacmeen dagaallo mar kale maanta oo Jimco ah ka dhacay waqooyiga Muqdisho.

Dagaaladan oo galay maalintii 5aad ayaa waxa ay u dhaxeeyaan ciidamada DKMG oo kaashanaya kuwa AMISOM, iyo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda, waxana dagaalada xoogoodu maanta ay ka dhaceen dagmooyinka Cabdi Casiis, Shibis, Kaaraan iyo Boondheere.
Dagaaladan ayaa marka laga soo tago rasaasta yar yar ee ay isku ridayaan dhinacyada magaalada isku haya ayaa waxaa bar bar soconayay duqaymo aad u culus, iyadoo madaafiicduna ay ku dhacayso deegaano aad uga fog goobaha ay dirirtu ka soconayso.
Dhinaca kale banaanbax ay soo qaban qaabisay DKMG oo lagu taageerayay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa uu ka dhacay dagmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

XS
SM
MD
LG