Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda oo Mamnuucaysa Dhoofinta Dhuxusha


Dawladda oo Mamnuucaysa Dhoofinta Dhuxusha

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in dhawaan la joojin doono dhoofinta dhuxusha, oo looga dhoofiyo dekaddaha macmalka ah ee koonfurta Somalia.

Wasiirka u qaabilsan DKMG xannaada xoolaha, dhirta iyo daaqa Abuukar Abdi Cismaan oo u waramayay VOAda ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu xakameenayo dhoofinta dhuxusha dhawaan laga joojin doono dekaddaha ay ka dhoofaan.

Wasiirku waxaa kale uu intaa ku daray in ay jiraan qoraalo ka dhan ah dhoofinta dhuxusha oo la hordhigayo dowladaha Jaamacada Carabta si ay u qaataan xakameeynta dhuxusha ka dhoofta dalka Somalia.
Mr Abuukar Cabdi Cismaan waxaa kale uu ka hadlay dhaqaaalaha laga helo dhuxusha iyo waxa ka dhalan kara xaalufinta dhirta .
Wasiirka xannaada xoolaha dhirta iyo daaqa waxaa uu sheegay in ganacsatada soomalida aysan fahmin halka dhaqaalaha ku jiro si loo yareeyo jarida dhuxusha
Mr Abuukar Cabdi Cismaan waxaa kale uu ka hadlay in ay jiraan mashaariic looga kaaftoomi karo dhoofinta dhuxusha isla markaana ay ganacsatada u hayaan suuqyo ay gaysan karaan kheeyraadka dalka
Labaatankii sano ee la soo dhaafay waxaa si xowli ah loo jerayay dhirta la shido taas oo ay u arkeen dad badan oo ganacsato ah in ay ka macaashayaan waxaana dhuxul ahaan looga dhoofinayay dekaddaha dalka Somalia ayadoo inta badan loo iibgeeyo dalalka carabta. balse arintaan ku saabsan joojinta dhuxusha ayaan la ogeyn sida ay u hirgalin karto DKMG ee Somalia ayadoo dalka intiisa badan ay haystaan kooxaha mucaaradka ku ah marka laga reebo meelo kooban oo kamida caasimada MuqdishoWasiirka u qaabilsan DKMG xannaada xoolaha, dhirta iyo daaqa Abuukar Abdi Cismaan oo u waramayay VOAda ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu xakameenayo dhoofinta dhuxusha dhawaan laga joojin doono dekaddaha ay ka dhoofaan. Wasiirku waxaa kale uu intaa ku daray in ay jiraan qoraalo ka dhan ah dhoofinta dhuxusha oo la hordhigayo dowladaha Jaamacada Carabta si ay u qaataan xakameeynta dhuxusha ka dhoofta dalka Somalia.

Mr Abuukar Cabdi Cismaan waxaa kale uu ka hadlay dhaqaaalaha laga helo dhuxusha iyo waxa ka dhalan kara xaalufinta dhirta .

Wasiirka xannaada xoolaha dhirta iyo daaqa waxaa uu sheegay in ganacsatada soomalida aysan fahmin halka dhaqaalaha ku jiro si loo yareeyo jarida dhuxusha

Mr Abuukar Cabdi Cismaan waxaa kale uu ka hadlay in ay jiraan mashaariic looga kaaftoomi karo dhoofinta dhuxusha isla markaana ay ganacsatada u hayaan suuqyo ay gaysan karaan kheeyraadka dalka

Labaatankii sano ee la soo dhaafay waxaa si xowli ah loo jerayay dhirta la shido taas oo ay u arkeen dad badan oo ganacsato ah in ay ka macaashayaan waxaana dhuxul ahaan looga dhoofinayay dekaddaha dalka Somalia ayadoo inta badan loo iibgeeyo dalalka carabta. balse arintaan ku saabsan joojinta dhuxusha ayaan la ogeyn sida ay u hirgalin karto DKMG ee Somalia ayadoo dalka intiisa badan ay haystaan kooxaha mucaaradka ku ah marka laga reebo meelo kooban oo kamida caasimada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG