Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo Ciidanka la Hadlay

Madaxweynaha Somalia ayaa ka qayb galay munaasabad loogu talo galay Saraakiil ciidanka ah o la dalacsiiyay, waxaanu ka hadlay xaaladda dalka.

Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay munaasabadii lagu dalacsiinayay saraakiisha ciidamada dowlada ayaa ugu horayn sheegay in dawladdu ay taageerayso ciidmada isaga oo ku ammanay hawsha ay ciidanku hayaan.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in la gaadhay wakhtigii dalka amniga lagu soo dabaali lahaa.
Sheekh Shariif ayaa ugu danbayntii qeexay in dowladnimadu ay ku salaysantahay kala danbayn iyo is ixtiraam.
Madaxwaynaha ka hor ayaa waxaa goobta munaasabadu ka dhacaysay oo ahayd xarunta madaxtooyada ee (Villa Somalia) hadallo kooban ka jeediyay taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed Jeneral Maxamed Geelle Kaahiye oo ku hadlay waxyaabaha ay saraakiisha la dalacsiinayay ku mutaysteen isaga oo tilmaamay in ciidanku diyaar yahay.
Dalacaadda saraakiishan ka tirsan ciidamada DKMG soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa xili dowlada kmg ah ay ku furanyihiin dagaalo ay inta badan ku soo qaadaan fariisimadooda kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda .

XS
SM
MD
LG