Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gogol Nabadeed oo La Fidinayo Ceel Dibir


A tourist is reflected in a glass surface as she walks in the newly opened first floor of the Museum of the ancient Agora, Stoa of Attalos, central Athens, Greece.
A tourist is reflected in a glass surface as she walks in the newly opened first floor of the Museum of the ancient Agora, Stoa of Attalos, central Athens, Greece.

Gogosha Ceel Dibir waxaa looga hadli doonaa iska horimaad dhimasho sababay oo bishan ka dhacay deegaankaasi.

Waxgaradka iyo duubabka dhaqanka ee degmada Cabudwaaq ayaa sheegay inay isku afgarteen in wadahadal lagu dhammeeyo isku dhac sababay dhimasho oo horraantii bishan ka dhacay deegaanka Ceel-Dibir ee Kililka 5aad ee Itoobiya. Is afgaradkaasi ayaa ka soo baxay kulan ka dhacay degmada Cabudwaq ee gobolka Galguduud.

Kulankaasi ka dhacay degmada Cabudwaaq ee ay yeesheen odayaasha iyo waxgaradka degmadaasi waxa uu guud ahaantiis ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa dagaal dhimasho sababay oo 9-kii bishan ka dhacay tuulada Ceel-Dibir oo ka tirsan dhulka Soomaalida Itoobiya.

Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy oo kulankaasi soo qaban qaabiyay ayaa u sheegay ka qeybgalayaasha in xiriir toos ah ay la soo sameeyeen maamulka dowladda deegaanka Soomaalida ee Kilinka 5aad ee Itoobiya. Waxaana uu sheegay in laysku afgartay in wadahadal aan shuruud lahayn lahayn lagu qabto tuulada uu iska horimaadku ka dhacay ee Ceel-Dibir.

Ugaasku wuxuu sheegay inay xiriir la soo sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Kililka 5aad ee Itoobiya si loo dhammeeyo khilaafka la xiriira isku dhacaasi.

Dad gaaraya 20 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi iyo tiro intaa ku dhow oo ciidamada loo yaqaan New Polis oo la sheegay inay qeyb ka ahaayeen iska horimaadka.

Odayaahii kale ee ka qeybgalay kulankaasi ka dhacay degmada Cabudwaaq ee looga arrinsanayay iska horimaadka Ceel Dibir ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu qaaday Ugaas Taakooy.

Nabadoon Khaliif Maxamee Aadan Cadde ayaa sheegay in kulanka ka dhacay Cabudwaaq uu ka soo baxay is afgarad, isagoona sheegay in ay wadahalka ay dan ugu jirto labada dhinac.

Xiriirka ka dhaxeeya ciidamada maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dadka ku nool deegaamada xadka la leh Itoobiya ee gobolka Galguduud waxaa uu in dhowaalaba ahaa mid jilicsan, tan iyo xiligii lagu jiray qabanqaabada doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya.

Waxaana xiriirka haatan sii fogeeyay dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah ee deegaanka Ceel-Dibir, dhacdadaasoo lagu tilmaamay tii ugu dhimashada badneyd ee deegaankaasi laga geysto.

Itoobiya ayaa si aad ah uga feejigan xadka ay la wadaagto gobolka Galguduud, maadaama inta badan gobollada Dhexe ee Soomaaliya ay gacanta ku hayso kooxda al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG