Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno Qorshe Cusub Soo Bandhigay

Guddoomiyaha xildhibaanada ku bahoobay kutlada badbaadinta qaranka Soomaaliyeed Cabdi Xaashi ayaa Shir jaraa'id maanta qabtay.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa shirkan oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu ugu horayn ku sheegay inaanay kutladu ahayn koox siyaasadeed oo shaqsiyaad gaar ah mucaarad ku ah wuxuuna taa badalkeeda sheegay in ay kutladu tahay koox barlamanka ka tirsan oo dhaliilsan qaabka ay iminka wax u soconayaan .
Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in kutladu ay aad uga xanuunsanayso dhibaatooyinka ay qabaan dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan hareeraha muqdisho, isagoo dhinaca kalana sheegay in kutladu ay dadaal ugu jirto qaabkii ay u ururin lahayd fikradaha shacabka si loo ogaado waxyaabaha ay ka cabanayaan .
Xildhibaan Cabdi Xaashi C/Laahi ayaa ugu danbayntii shirkiisa jaraa;id ku soo hadal qaaday in kutlada iyadoo u maraysa barlamanka ay xoogga saari doonto sidii uu dalku uga gudbi lahaa marxalada adag ee uu iminka ku jiro .
Kutlada badbaadinta iyo toosinta qaranka Soomaaliyeed oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa la aas aasay maalin kadib markii gudoomiyaha barlamanka loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaana wixii ka danbeeyay xilligaas kutladu ay ku mashquulsanayd qabashada kulamo gaar-gaar ah oo ay ku sheegayeen in ay xal ugu raadinayaan xaalada murugsan ee uu dalku ku jiro, hase ahaatee marka laga soo tago xildhibaanadan kutlada ku midoobay ayaa dhinaca kale waxaa jira xildhibaano kale oo iyaguna aaminsan in kutladani ay tahay mid la doonayo in wax lagu dumiyo.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa shirkan oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu ugu horayn ku sheegay inaanay kutladu ahayn koox siyaasadeed oo shaqsiyaad gaar ah mucaarad ku ah wuxuuna taa badalkeeda sheegay in ay kutladu tahay koox barlamanka ka tirsan oo dhaliilsan qaabka ay iminka wax u soconayaan .

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in kutladu ay aad uga xanuunsanayso dhibaatooyinka ay qabaan dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan hareeraha muqdisho, isagoo dhinaca kalana sheegay in kutladu ay dadaal ugu jirto qaabkii ay u ururin lahayd fikradaha shacabka si loo ogaado waxyaabaha ay ka cabanayaan .

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ugu danbayntii shirkiisa jaraa'id ku soo hadal qaaday in kutlada iyadoo u maraysa barlamanka ay xoogga saari doonto sidii uu dalku uga gudbi lahaa marxalada adag ee uu iminka ku jiro .

XS
SM
MD
LG