Madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Muqdisho ka soo saaray qoraal uu kaga hadlayo dastuurka cusub ee qabyada ah
Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gawaarida dagaalka ayaa galay degmada Kalabayr ee duleedka waqooyi ee Beledweyne, maalintii shalay.
Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta ugu baaqay beesha caalamka inay teegeeraan dowladdiisa.
Dagaallo xooggan ayaa maalintii 8-aad ka dhacaya Muqdisho. In kabadan 12 qof oo isugu jira dhinacyada dagaallamayay ayaa maanta dhintay.
Dagaallada ka socda Muqdisho ayaa galay maalintoodii saddexaad, ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay madaafiic iyo rasaas maanta dhacaysay.
Dawladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay Qaraxa, waxaanay sheegtay in dadaalka nabad raadintu socon doono.
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay 75 kalena way dhaawacmeen, markii ay Shabaab ku dhawaaqeen duullaan ka dhan ah DKMG Iyo AMISOM.
Kooxda Shabaab ayaa goob fagaaro ah ku gubay raashin hay'ada (WFP) ugu tala gashay dadka baahan ee ku sugan Muqdisho iyo Gobollo kale.
Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Puntland ayaa lagu qarxiyay degmada Galgala, hal askari ayaa ku dhintay, labo kalena way dhaawacmeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa dagaalka ee Maraykanka ayaa xalay ka baxay dalka Ciraaq, iyagoo gudbay dhanka dalka Kuweyn.
Maxkamad Maraykan ah ayaa ku gacanseyrtay dacwad burcadbadeednimo ah oo lagu soo oogay koox Soomaali ah oo ku xiran gobolka Virginia.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay madaafic xalay ku dhacday xaafado kamida magaalada Muqdisho.
Wasiirka Jaaliyadaha ee DKMG Cabdulaahi Azhari ayaa sheegay in ku guulaysteen soo daynta dhalinyaro ku jiray xabsiyo dalal shisheeye.
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed (Silaanyo) ayaa magacaabay Guddi ka soo tala bixisa arrimaha Sool iyo Sanaag Bari.
Ugu Yaraan Hal qof ayaa ku dhintay madaafiic xalay la isku waydaarsaday Muqdisho.
Ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay in ciidamada lagu tababari doono gudaha dalka.
Ciidamada DKGM iyo Xisbul Islaam ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo galinkii danbe ee shalay ka dhacay dagmada Hodan ee Muqdisho.
Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay Madaafiic xoogan oo xalay fiidkii ka dhacday qeybo ka mida Muqdisho.
Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada AMISOM wuxuu hooyooyinka ka codsaday inay wiilashooda ka joojiyaan dagaalada ay ka qeyb qaadanayaan.
Maxkamad ku taalla Uganda ayaa ku eedeeystay 3 nin oo Kenyan ah argagixisinimo, dil iyo isku day lala xiriirinayo qaraxyadii Kampala.
Kuwo kale