Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyadii Kampala oo 3 nin Lagu Eedeeyay


Maxkamad ku taalla dalka Uganda waxay ku eedeeystay saddex nin oo u dhashay dalka Kenya argagixisinimo, dil iyo isku day dil.

Maxkamad ku taalla magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa jimcihii dacwad ku soo oogtay saddex qof oo u dhashay dalka Kenya.

Maxkamadda ayaa ku eedeeysay raggaasi argagixisinimo, dil iyo isku day dil oo lala xiriirinayo qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala 11-kii July ee lagu dilay 76 qof, kuwaasoo daawanayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobka kubadda cagta ee Adduunka.

Maxkamaddu waxay magacowday Hussein Hassan, Mohammed Adan Abdow, iyo Idris Magondu kuwaasoo aan weli wax qiraal ah ka sameynin eedeeyntaasi, balse waxaa la qorsheeyay inay maxkamadda horyimaadaan bisha August.

Qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala waxaa mas’uuliyaddiisii sheegatay kooxda al-Shabaab.

Raggan Keenyaatiga ah waa raggii ugu horreeyay ee loo soo jeediyo eedeeyn la xiriirta qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala.

XS
SM
MD
LG