Madaafiicda ayaa bilaabantay fiidnimadii hore kadib markii ay dhowr hoobiye lagu tooray saldhigyo milatari oo ay deganyihiin ciidamo katirsan DKMG iyo kuwa AMISOM.
Dadka ku dhaawacmay madaafiicdaasi ayaa la sheegaya in ay ilaa 6-qaf oo u badnaa rayid salaadda taraawixda ku tukanayay masjid ku yaal deegaanka Wardhiglay sida ay VOA-da u sheegeen dad ku sugnaa halka mashaqada ay ka dhacday.
Ma jiraan dhinacyada is haya cid sheegatay mas’uuliyada khasaaraha soo gaadhay dadka rayidka.
Ugu Yaraan Hal qof ayaa ku dhintay madaafiic xalay la isku waydaarsaday Muqdisho.