Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dastuurka cusub ee qaybada ah ee ay dhowaan soo bandhigeen guddiga federaalka dastuuriga ee madaxa bannaan.
Qoraal uu maanta soo saaray madaxweyne Shariif ee loo qeybiyay saxaafadda ayuu wuxuu ku sheegay in dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo ay tahay hawl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taasoo ay tahay buu yiri inuu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn isla markaana ku fadhiya sharicayd iyo qaneeco shacab. Sida uu madaxweynuhu qoraalkiisa ku yiri.
Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku yiri “Si loo helo dastuur dhab ahaan ay Soomaaliya leedahay, waa in qoraalka qabyada ah uu noqdo mid ay ka dhex muuqato yididiilada iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, taasoo lagu gaari karo ka qeyb-gal dadweyne oo aad u ballaaran”.
Madaxweynaha ayaa war saxaafadeedkiisa ku sheegay inuu aqoonsan yahay hawsha culus ee uu guddiga federaalkadastuuriga ah ee madaxa bannaan qabtay, hase yeeshee wuxuu tilmaamay in dastuurka uu u baahan yahay hufid iyo wax ku darid ka yimaada muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee bulshada.
Madaxweyne Shariif ayaa ku taliyay in la sameeyo guddi talo bixineed, oo ka kooban Xubanaha baarlamaanka, Khubaro sharci, kuwa dhaqanka iyo shacab weynaha.
Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale tilmaamay in baarlamaanka hadda jira uu axdiga KMG ah awood u siinayo inay waxa ka dhiman ku daraan, oo ay ka mid tahay shareecada Islaamka, nidaamka federaalka dastuurkii 1960-kii la ansixiyay, kaasoo uu sheegay in uu haysto aftida dadweynaha Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa xusay in baarlamaaka uu sharicyad u haysto inay sharci ka soo saaraan qaabka dastuurka cusub loo ansixinayo iyo dhammaadka xiliga kala guurka ah.
Qoraalka madaxweynaha ayaa laga dheehan karaa sida uusan ula dhacsaneyn dastuurka qabyada ah ee ay soo gudbiyeen guddiga qorista dastuurka cusub ee madaxa bannaan.
Qoraalkan uu madaxweynuhu ka soo saaray arrinta dastuurka qabyada ah ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu wareysi uu siiyay VOA-da kaga hadlay kala fikir duwanaansho u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, kaasoo salka ku haya dastuurka qabyada ah.