Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali laga Soo Daayay Xabsiyo Shisheeye

Wasiirka Jaaliyadaha DKMG
Wasiirka Jaaliyadaha DKMG

Wasiirka Jaaliyadaha ee DKMG Cabdulaahi Azhari ayaa sheegay in dawladdu ay ku guulaystay in ay soo dayso dhalinyaro ku jiray xabsiyada dalalka qaar.

Shir jaraa'id oo uu galinkii danbe ee shalay ku qabtay magaalada Muqdisho ,wasiirka jaaliyadaha iyo maal gashiga DKMG Cabdulaahi Axmed Azhari ayuu ugu ku sheegay in illaa 25 qof oo Soomaali ah oo mu ddo 4 sano ah ku xirnaa wadanka Botswana ay u suurta gashay in qaarkood ay sii daayaan isagoo qeexay in kuwa ku haray xabsigana ay dhawaan sii dayn doonaan .
Wasiirku waxaa kale ee uu tafaasiil ka bixiyay maxaabiis Soomaliyeed oo ay tiradoodu gaarayso ilaa 30 qof oo ku xiran wadanka Angola in ay dadaal ugu jiraan qaabkii ay ku sii dayn lahaayeen, isagoo dhanka kalana xusay in maxaabiistii Soomaalida ee ku xirnayd wadanka Libiya dhamaantood la sii daayay marka laga reebo 9 qof oo uu tibaaxay in ay iyagu ka shaqayn jireen howlaha la xiriira tahriibka .
Wasiirka jaaliyadaha iyo maal gashiga ayaa sidoo kale soo hadal qaaday socdaal ay dhawaan ku tageen wadanka Giriigga , halkaasoo uu sheegay in dowlada dalkaasi ay kala hadleen in qaxootiga Soomaalida la siiyo aqoonsi isla markaana loola dhaqmo sida jaaliyadaha kale ee ku dhaqan wadankaasi, taasoo uu sheegay in masuuliyiinta wadanka Giriigga ay ka aqbaleen codsigooda .

Shir jaraa'id oo uu galinkii danbe ee shalay ku qabtay magaalada Muqdisho ,wasiirka jaaliyadaha iyo maal gashiga DKMG Cabdulaahi Axmed Azhari ayuu ugu ku sheegay in illaa 25 qof oo Soomaali ah oo muddo 4 sano ah ku xirnaa wadanka Botswana ay u suurta gashay in qaarkood ay sii daayaan isagoo qeexay in kuwa ku haray xabsigana ay dhawaan sii dayn doonaan .

XS
SM
MD
LG